Maraykanka oo faahfaahin cusub ka bixiyay kiiska Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle

|

Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay kiiska Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo ka mid ah eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee fadeexadda musuqmaasuqa ee Feeding Our Future, kadib markii 16-kii Luulyo si rasmi ah looga soo wareejiyay Soomaaliya loona geeyay gobolka Minnesota si uu u wajaho dacwadaha federaalka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota ayaa sheegay in Ciidle, oo 42 jir ah, uu wajahayo 31 dacwadood, kuwaas oo ay ku jiraan khiyaano dhanka isgaarsiinta ah (wire fraud), laaluush la xiriira barnaamijyo federaal ah iyo lacago la dhaqay. Wuxuu ka mid ahaa dadka lagu soo oogay dacwadaha sanadkii 2022, balse muddo ku dhow afar sano ayuu ka maqnaa Mareykanka ka hor inta aan bishii Juunyo 2026 laga helin Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in soo qabashadiisa iyo wareejintiisa ay ka dhalatay iskaashi dhex maray Hay’adda Baarista Federaalka ee FBI, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay gacan ka geysatay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Daniel N. Rosen ayaa ku tilmaamay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle inuu yahay qofka labaad ee ugu muhiimsan ee lagu eedeeyay fadeexadda Feeding Our Future, isagoo sheegay in qabashadiisu ay muujinayso in dadka lagu eedeeyo dambiyada noocan ah aysan ka baxsan karin cadaaladda Mareykanka.

Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa isaguna sheegay in Ciidle lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii qorshaha lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doolar, oo ahaa lacag loogu talagalay barnaamij lagu quudinayay carruurta xilligii safmarka COVID-19. Wuxuu intaa ku daray in FBI-du ay hore u xaqiijisay in ka badan 70 qirasho oo dambi oo la xiriira kiiskan, isla markaana wareejinta Ciidle ay tahay tii 25-aad ee hay’addu dib ugu soo celiso eedeysane dibadda ku maqnaa muddo hal bil gudaheed.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidle la filayay inuu markii ugu horreysay ka soo muuqdo maxkamad federaal ah 17-kii Luulyo, halkaas oo uu kaga jawaabi doono eedeymaha loo haysto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News