Koobka Adduunka 2026 ee xalay lasoo gabagabeeyay waxa uu noqday tartankii ugu lacagta badnaa ee dhacdadaan iyada oo sannadkaan xitaa la kordhiyay xulalka ka qaybgalay oo horay u ahaan jiray 32 qaran balse laga dhigay 48 Xul.
FIFA ayaa gacanta ku dhigtay ku dhawaad $13 Bilyan oo Doollar oo kasoo xarootay ilaha ay dhaqaalaha ka hesho sida xuquuqda tabinta, Internetka, Kuraasta kala qiimaha duwan, Xayaysiiska Shirkadaha u diiwaangashan iyo meelo kale.
Sannadkaan waxa ay FIFA bixisay lacag dhan $871 Milyan oo Doollar oo ah lacag loo adeegsaday abaalmarinnada Xulalka iyada oo xul weliba heerka uu ka gaaray koobkaan uu lacag ku qaadanayay iyo waxyaabihii la bixinayay kharashka ku baxay.
Xulka Spain oo guullaystay waxaa lagu abaalmarinayaa lacag dhan $50 Milyan oo doollar, xulkii ay ka adkaadeen ee Argentina waxaa la siiyay $30 Milyan, Ingiriiska waxa uu qaatay $27 Milyan halka Faransiiska uu helay $25 Milyan maadaama uu galay kaalinta 4aad.
Koobkii Adduunka 2022 imisa ayay bixisay FIFA?
FIFA ayaa sannadkii 2022 tartankii lagu qabtay Qatar waxa ay qarash-garaysay lacag dhan $440 Milyan oo doollar, halka xulkii ku guulaystay xiligaas ee Argentina lagu abaalmariyay $42 Milyan, waxaana dakhliga guud ee FIFA soo galay uu noqday 7.6 Bilyan.
Dhinaca Kale Xulka Qaranka Spain ayaa noqday xulkii ugu da’yarta badnaa ee Koobka Adduunka, waxa uu dalkaas haystaa fursad weyn oo ka dhigaysa in koobabka soo socda haddii nolol lagu gaaro ay sii dheeli karaan jiilka xalay koobka ku guullaystay.

