Dab khasaara maaliyadeed gaystay ayaa saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca Cabdalla Shideeye, waxaa gudbay dukaamo lagu iibiyo qalabka elektarooniga ah iyada oo markii dambe ay goobta tageen gaadiidka dab damiska.
Si dhab ah looma shaacin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay iyo sababta ka dambaysay dabkaas in uu kaco, waxaana lagu guullaystay in laga soosaaro agabka halkaas ku jira si aanay u saamayn ama u gubin dabkaas.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xiray waddooyinka muhiimka u ah socodka Gaadiidka Gurmadka degdega ah si aanay saxmad uga noqan waddooyinkaas maadaama ay ku howlan yihiin daminta dabkaas iyo kahortagga in uu dhul horleh gaaro.

