Wada-hadalladii ay garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka, kana dhacay gudaha xayndaabka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu kala kacay shalay Isniintii markii ay furmeen, sida ilo wareedyadu u sheegeen Kaab TV.
Ka dib toddobaadyo ay hakad ku jireen wada hadallada ayaa waxay furmeen Isniintii markaas oo labada dhinac isa soo hor fariisteen.
Wada hadalladan aya salka ku haayaykhilaafka iyo ismari-waaga illaa hadda taagan ee ka dhashay muddo kororsiga Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisu dhammaaday 15 June 2026, halka Golaha Baarlamaankuna uu waqtigiisu dhammaaday bartamihii Abrril 2026.
Magaalada Muqdisho ayaa ka dib martigalisay iska hor imaadyo hubeysan bishii June oo u dhexeeyay ciidamada taabacsan mucaaradka iyo xooggaga dowladda oo taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh.
Dad ka badan 10 ayaana ku dhintay, iyadoo boqollaal kalana ay ku barakeceen iska hor imaadyada oo ka dhacay degmooyinka Hawl-wadaag, Cabdicasiis iyo Wardhiigley.
Xubnaha beesha caalamka ee wada hadallada dhex dhexaadinaya
Bilawgii wada hadalladan Turkida oo kaliya ayaa dhex dhexaadinayay.
Hase ahaatee ka dib markii mucaaradka ay dhaliileen doorka Turkida ee loo arkay inay la jirsadeen dhanka xukuumadda Xasan Sheekh, ayay mucaaradka dalbadeen in beesha caalamka lagu daro doorka dhex dhexaadinta.
Diblomaasiyiinta UK, Mareykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Xafiiska Midowga Afrika ayaa deedna lagu soo daray xubnaha ajnabiga ee dhex dhexaadinaya wada hadalladan oo ay tahay in xal loogu helo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya hortaagan.
Illaa afar jeer oo ay wada hadalladaan dheceena, waxayna dhowr jeer la kulmeen caqabado ku saabsan qodobada laga dooday, oo dhinacyadu kala wataan aratiyo is diidan.
Maxaa la isku qabtay?
Kulanka Isniintii ka furmay hoteel ku yaalla garoonka Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka iyo xubno matalayay Golaha Mustaqbalka iyo garabyada kale ee mucaaridka, iyadoo diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa is-afgarad ku saabsan nooca doorashada ee Soomaaliya ay qaadanayso.
Doodda ugu weyn ee la isku mari-wayey ayaa noqotay hannaanka loo qabanaayo doorashada, guddiyada doorashada magacaabistooda iyo cidda awoodda u leh.

Kaab TV ayaa ogaatay in isbahaysiga mucaaradka – oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya – ay doonayaan in la abuuro guddi doorasho oo labo heer ah: heer federaal iyo heer dowlad gobolleed, si waafaqsan nidaamkii doorashada 2021/2022.
Mucaaradka, oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubalanad, ayaa sidoo kale qaba in kuraasta baarlamaanka ee ku saleysan hannaanka qabiilka ee 4.5 sidooda loo daayo, hase yeeshee la kordhiyo tirada ergada wax dooraneysa, iyo goobaha lagu dooranaayo, si lo hubiyo in tartanku noqdo mid dadka oo dhan u furan.
Ilo wareed ku dhow mucaaradka ayaa Kaab TV u sheegay in wakiilada Xasan Sheekh ee shirka fadhiyay ay ku adkeysteen in guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ee hadda jira uu sii ahaado midka qabanaya doorashada.
Guddiga doorashada ee hadda jira oo ka kooban 9 xubnood ayaa la sameeyay dhammaadkii sanadkii 2025, iyada oo dowlad goboleedyada qeybta ka ah federaalka ay diideen. Waxaana illaa haatan guddigaasi ay yihiin “kuwo lagu muransan yahay”.
Villa Soomaaliya waxay kaloo dooneysaa in aan la sameyn oo kaliya hal guddi uu wada qabto doorashada.
Golaha Mustaqbalka iyo garabyada kale ee mucaaridka ayaa sheegay inay iyaguna taageersan yihiin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ku doodayaan in marxaladdan kala-guurka lagu saleeyo habka awood-qaybsiga ee 4.5 si loo xaqiijiyo kalsoonida dhinacyada siyaasadda iyo saamiga beelaha.
Deegaanada Al-Shabaab ay maamulaan
Lagama hadlin sida laga yeelaayo deegaanada ay ka taliyaan kooxda Al-Shabaab, oo ah inta badan deegaanada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale caddeyn jiritaanka maamulka Waqooyi Bari oo xaruntiisu tahay Laascaanood, kaas oo sameysmay bishii August 2025, isla markaana Dowladda Federaalka ay aqoonsatay.
Mucaaridka ayaa sidoo kale si adag uga horyimid doorashooyinka ay Dowladda Federaalka ka waddo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay faragelin ku hayso geeddi-socodka doorashooyinka heer dowlad-goboleed.
Doorasho kooban oo Villa Soomaaliya ay taageertay ayaa hoggaan cusub loogu sameeyay Koonfur Galbeed bishii June. taasi waxay dhacday ka dib markii madaxweynihii maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen ay Baydhado ka saareen ciidanka Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad qabaa’il oo ay dowladdu xulufeysatay.
Dagaalo ka dhashay faragelinta Villa Soomaaliya ay ku sameysay maamulka Koonfur Galbeed, oo u dhexeeya ciidamada Laftagareen oo sheeganaya inuu yahay weli madaxweynaha rasmiga ee Koonfur Galbeed iyo kuwa hoggaamiyaha cusub Aadan Madoobe ayaa si joogto ah uga dhaca Baydhabo iyo duleedyadeeda.
Waxaa sidoo kale cadaadis ay dowladdu saartay hoggaanka Galmudug uu horseeday in Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” uu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay u tartanka xilka. Waxaana la rajeynayaa musharrax ay taageereyso Dowladda Federaalka uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Galmudug.
Hirshabeelle ayaa la filayaa in dhowaan ay ka bilaabato hannaan doorasho oo ay meelmarineyso Dowladda Federaalka.
Ilaha ayaa Kaab TV u sheegay in Dowladda Federaalka ayaa diidday in qodobka doorashooyinka dowlad gobolleedyada si rasmi ah looga doodo intii uu socday kulanka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay warbahinta in wakiillada Beesha Caalamka ay hadda ka shaqeynayaan soo jeedin cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed.
Xalku muxuu noqon karaa?
Sida xogaha hordhaca ah ay tilmaamayaan, qorshaha la diyaarinayo ayaa noqon kara hannaan isku-dhafaya aragtiyaha Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaridka.
Qorshahaas ayaa la sheegay inuu ka koobnaan karo:
- In dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah muddo kooban gudaheed.
- In la dhiso hal guddi doorasho oo mideysan oo ay ku wada jiraan dowladda iyo mucaaridka.
- In la helo hannaan lagu xaqiijinayo kalsoonida dhinacyada iyadoo aan la dhaawaceyn geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.
Inkastoo labada dhinac ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya u gudubto doorasho qof iyo cod ah, haddana khilaafka ugu weyn ayaa weli ka taagan qaabka loo wajahayo doorashada.
Hase yeeshee cidda maamuleysa doorashada iyo helitaanka aaminaad ay dhammaan dhinacyada siyaasadda ku qabi karaan hannaanka doorashada ayaa weli ah qodob ay dood badani ka jirto, isla markaana sii kordhinaya cakirnaanta siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan Soomaaliya.
Kulankii shalay ayaa waxaa uu muujinaya in wali ay jirto kala aragti duwanaan weyn oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, inkastoo labada dhinac ay mabda’ ahaan isku raacsan yihiin in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah.
Khilaafku wuxuu inta badan ku saabsan yahay qaabka loo hirgelinayo nidaamkaas iyo dammaanadaha siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo kalsooni dhex marta dhinacyada.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay ku doodayaan in is-mari-waaga haddii uu sii socdo uu horseedi karo muran ku saabsan sharciyadda hoggaanka iyo xasillooni-darro ka hor doorashooyinka, taasoo sababi karta in dib loogu laabto iska horimaadyo hubeysan maadaamaa dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya ay hubeysan yihiin.

