Xuutiyiinta oo gubay markab shidaal oo Sacuudiga leeyahay

|

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen, oo Iran ay taageerto, ayaa sheegatay inay weerar ku qaaday laba markab oo shidaal oo Sacuudi leeyahay kuwaas oo marayay Badda Cas.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic (Yahya Saree), ayaa Arbacadii sheegay in la bartilmaameedsaday labada markab ee lagu kala magacaabo Encelia iyo Layla, isagoo ku eedeeyay inay jebiyeen xannibaadda badeed ee ay hore ugu dhawaaqeen ciidamada Xuutiyiinta.

“Waxaan beegsanay labada markab ee shidaalka qaada ee Sacuudiga ee Encelia iyo Layla, sababtoo ah waxay ku xadgudbeen go’aanka xannibaadda ee ay soo saareen ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri Yaxya Sariic.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) ayaa xaqiijisay in markabka Encelia la weeraray, iyadoo soo xiganaysa masuul ka tirsan Hay’adda Guud ee Gaadiidka Sacuudiga.

Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badbaadeen.

SPA waxay weerarka ku tilmaantay mid jebinaya shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah ee dammaanad qaadaya badqabka maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda. Wakaaladdu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la sheegay ee markabka Layla.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay gantaallo ballistic ah, gantaallo nooca cruise-ka ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), isagoo intaas ku daray in weerarradu ay sababeen dab ka kacay labada markab.

Hay’adda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga ayaa dab qabsaday kadib markii la sheegay inay weerareen Xuutiyiinta, xilli uu marayay meel qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyi kaga beegan xadka Yemen.

DHEERAAD:  QM oo shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

Markabkan ayaa ka soo shiraacday dekedda Yanbu ee Sacuudiga ka hor weerarka.

Xuutiyiinta ayaa markii dambe ku dhawaaqay inay bilaabeen “howlgallo ballaaran.”

Kadib wararka weerarka, qiimaha shidaalka Brent ayaa kor u dhaafay $94 halkii foosto, isagoo gaaray heerkii ugu sarreeyay lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga maraakiibta Badda Cas iyo saameynta uu ku yeelan karo suuqyada tamarta caalamka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News