Dagaal beeleed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Laashimo oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Dagaal beeleedkaan ayaa daba socda dagaallo soo noqnoqday oo dhiig badan ku daatay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada.
Ilaa iyo hadda ma jiraan ciidamo dowladeed ama kuwa deegaanka ah oo si rasmi ah u kala dhex galay dhinacyada dagaallamaya, inkastoo qaar kamid ah waxgaradka Puntland sheegeen inay ku hawlan yihiin joojinta colaaddaasi.
Cutubyo katirsan ciidanka difaaca Puntland oo horay loo kala dhex-dhigay malayshiyaadka dirirtu u dhexayso doorweynna ka qaatay xakamaynta xiisadda ayaa Puntland ka soo qaaday sida ay warbaahinta u sheegeen ila kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa ka walaac xoogan ka muujiyay xiisada soo cusboonaatay, maadaama ay horey u socday dadaalo ku aadan dhameynta xiisada, inkastoo uu fashilmay.
Puntland iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabiyeen xal u helida colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada beeleed ee ku dagaalamaya gobolka Sanaag.
Waqooyi Beri, Puntland iyo Somaliland, oo wada sheegta deegaannada lagu dagaallamay, ayaan illaa hadda ku guuleysan inay si toos ah u kala dhex galaan labada maleeshiyo beeleed ee Dagaalamaya.

