Puntland oo digniin adag u dirtay Maamulka Galmudug

|

Puntland ayaa si adag uga digtay in saanad iyo ciidan lagu dhibaataynayo deegaannadeeda ay soo maraan garoomada Diyaaradaha iyo dhulka uu ka taliyo maamulka deriska la ah ee Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Puntland waxay ugu baaqaysaa Galmudug in ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaad soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug, kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland”.

Puntland ayaa fariinta ay u dirtay maamulka Galmudug ogaysiisay Beesha Caalamka, sida lagu xusay war-saxaafadeed.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay jirn ciidan sharci ah oo la yiraahdo PSF oo ka tirsan ciidamadeeda difaaca iyo ciidan ka tirsan dowladda federaalka oo la howlgala.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News