Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo furay kalfadhigii 49aad ee Addis Ababa

|

Kulan Caadi ah oo 49-aad ee Golaha Fulinta ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa ka Furay Magaalada Addis Ababa iyada oo mawduuca uu ahaa ‘Hubinta Helitaanka Biyo Waara iyo Nidaamyada Nadaafadda Amaan ah si loo Gaaro Ajandaha 2063.’

Xafladda furitaanka waxaa ka hadallo uu jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burundi oo guddoominayay Golaha Fulinta.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf wuxuu soo dhoweeyay wasiirrada arrimaha dibadda, xubnaha Guddiga Wakiillada Joogtada ah, komishanada AU, madaxda bulshooyinka dhaqaalaha goboleed iyo marti-shaqaale kale.

Wuxuu Hambalyo u diray Safiirka Édouard Bizimana, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Horumarinta ee Burundi, oo qabtay guddoonka Golaha Fulinta, wuxuuna u xaqiijiyay taageerada buuxda ee guddiga inta uu xilka hayo.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf wuxuu sheegay in goluhu uu kulmayay xilli ay adkaanayso xasiloonida caalamka, oo ay calaamad u yihiin dhacdooyin siyaasadeed oo adag oo saamayn weyn ku leh dhaqaalaha Afrika.

Markuu ka hadlayay colaadda Bariga Dhexe iyo xiisadaha ku hareeraysan Gacanka Hormuz, wuxuu sheegay in Guddiga AU uu si dhow ula socda xaaladda is beddelaysa iyo saameynteeda.

Wuxuu sheegay in guddigu uu sii wado bixinta falanqayn joogto ah iyo talooyin la siiyo hay’adaha siyaasadda AU si loo taageero jawaabo wadajir ah oo waqtigooda ku habboon.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ee mudo xilhaytiisa dhamaatay, Abdisalam Cali, ayaa hogaaminaya wakiiladda Soomaaliyeed ee kulankaas.

DHEERAAD:  Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya oo go'aano soo saaray

Waxaa la filayaa in Soomaaliya ay muujiso dadaalkeeda ku aaddan xoojinta amniga biyaha, oo ay ku jiraan Mashruuca Biyaha ee Barwaaqo ee Xasilloonida Reer Miyiga iyo laba ceelal cusub oo qorraxda ku shaqeeya oo loogu talagalay in lagu ballaariyo helitaanka biyo nadiif ah.

“Soomaaliya sidoo kale waxay ka qayb qaadan doontaa doodaha ku saabsan xoojinta Guddiga Midowga Afrika iyo horumarinta himilooyinka iyo mudnaannada guud ee qaaradda,” ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay.

Kalfadhiga Golaha Fulinta wuxuu isu keenaa wasiirrada arrimaha dibadda ee Afrika si ay uga wada hadlaan mudnaannada qaaradda, dib-u-habeynta hay’adaha, iyo arrimaha siyaasadda ka hor inta aan la gaarin go’aannada guud ee Midowga Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News