Dagaal laysu adeegsanayo Hoobiyayaal ayaa ka socda Bariga Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay muddooyinkii dambe isku-horfadhiyeen ciidamada Dowladda Puntland iyo kuwa PSF ee ka amar qaata Dowladda Somaliya.
Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayaa qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Galkacyo, iyadoo la arkayeyo uuro madaw oo ka kacaysa agagaarka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf oo ay deggan yihiin ciidamo katirsan kuwa ku biiray DFS.
Dad joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saaka hoobiyayaal ku soo dheceen Xaafadda Buulo Doora, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaasi iyo cidda soo riddey.
Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xiriira hub ay leeyihiin ciidamada dowladda ee waqooyiga magaalada degan kuwaas ay puntland ay diidan tahay, hubka ayaa la doonaayey in loo gudbiyo dhanka Puntland, halka ciidanka deegaanka ay ka soo horjeedaan arrintaas.

