Puntland ayaa sheegtay in ay magaalada Gaalkacyo ka fulisay howlgal lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar ku ahaa amniga deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay warkan, iyada oo intaas lagu daray in howgalku weli socda oo faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono marka uu soo gabagaboobo.
Puntland ayaa la wareegay xerada PSF ee ku taalla duleedka beri ee magaalada Gaalkacyo, taas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku socotay duqeyn xooggan.
Ciidamada Puntland ay halkaas waxaa ay ku qabteen ciidan ka tirsan PSF iyo hub, waxaana soo gabagaboobay dagaalkii ka socday magaalada Gaalkacyo oo u badnaa madaafiic la isdhaafsanayay.
Dhanka kale hal qof oo shacab ayaa ku dhintay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiyeyaal saaka ku dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku dhaawacmay, kuwaas oo la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.


