Maleeshiyaad iyo hub beesha Biciidyahan kala guurtay Gaalkacyo oo gaaray Cadaado

|

Maleeshiyaad kasoo jeeda beesha Biciidyahan oo fadhigoodu ahaa xerada Barda Dheere ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa xalay saqdii dhexe baneeyay xeradoodii, iyaga oo gaaray degmada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Saraakiil Galmudug oo ku sugan Cadaado ayaa sheegaya in maleeshiyaadka beesha Biciidyahan oo wata hub fara badan ay xalay habeennimo kasoo bexeen Gaalkacyo, ayna haatan ku sugan yihiin Cadaado.

Ciidamadan ayaa hore u sheegay in ay ku biireen dowladda fedaraalka, iyada oo uu arrintaas ku lug lahaa wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kasoo jeeda Biciidyahan.

Xaange ayaa horey waxaa khilaaf uu ugala dhexeeya maamulka Puntland.

Xaange kama uusan hadlin maleeshiyada Biciidyahan ee gaartay Cadaado.

Maleeshiyaadka beesha Biciidyahan ayaa horey uga signaa Gaalkacyo xerada Barda Dheere ee dhanka waqooyi.

Horay waxaa dhanka Galmudug soo aaday ciidamo ka tirsan PSF oo ay ku jiraan saraakiishii sare, kuwaas oo hadda ku sugan xarunta ciidamada Danab ee koonfurta Gaalkacyo.

Dagaalkii Gaalkacyo

Ciidamada Puntland ayaa shalay dagaal kula wareegay xeradii ciidanka PSF ee waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo ay hub iyo askar maxaabiis ahba ay ku qabteen.

Sidoo kale waxaa saaka oo Khamiis ah ciidamada Puntland ee Boosaaso ay la wareegeen xerada ciidanka PSF ee Boosaaso iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin halkaasi.

Odayaal qabaa’ilka deegaanka ayaa la sheegay inay dhex dhexaadin ku dhameeyeen in ciidanka PSF ee hoostagi jiray qoyska reer Diyaano, ay si nabad ah hubka ku wareejiyaan.

DHEERAAD:  Dagaalka Sudan: 2.2 milyan oo lagu qasbay in guryahooda ka qaxaan

Sidoo kale ciidanka Puntland ayaa la wareegay xerada PSF ee degmada Qardho, iyadoo saraakiil amaan oo Puntland ay sheegeen in ciidamo tiro yar iyo gaadiid ay wateen ay u baxsadeen dhanka magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay 48 saacadood gudahood u qabtay in ay dowladda isugu soo dhiibaan ciidamada weli ka tirsan dowladda federaalka ee ku sugan deegaannada Puntland.

Maleeshiyadka Leelkase oo ku biiraya Puntland

Waxaa dhanka kale Gaalkacyo ka socda wada hadal ay garwadeen ka yihiin odayaasha beesha Leelkase ee Puntland kuwaas oo lagu doonayo in maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo ay kusoo biiraan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Odayaasha wada hadalka wada qaarkood ayaa sheegay in ay ku qanciyeen maleeshiyaadka inay ka mid noqdaan Daraawiishta Puntland, iyadoo maantana la siiyay mushaharaadkooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News