Dagaal ka dhacay Deegaanka Galoqad ee Gobolka shabeellaha Dhexe

|

Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya Dagaal shalay Khamiistii ka dhacay Deegaanka Galoqad oo ku dhow Degmada ceelbaraf ee Gobolka shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanka,Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed ka soo kala Jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Gaar ahaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle,Waxana ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.Ilaa iyo hadda ma jiro wa Rasmi ah oo Caddeynaya tirada saxda ah ee Khasaara ka dhashay Dagaalkaas,inkasoo ay jiraan warar qaar ee sheegaya in ay dhimasho gaareyso ilaa iyo 15 qof ah labada Dhinac ee Dagaalamay ah.

 

Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaalka uu socday mudo saacada ah,Isla markaana uu sababay in qaar ka mid ah Dadka deegaanka ay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba in uu dagaalka sii socdo uu saameyn ku yeesha nolashooda.

Xaaladda Degaanka ayaa weli lagu soo warramayaa in ay tahay mid kacsan,iyadoo dadka deegaanka ay aad ugu cabsanayaan in uu dagaalkas sii socda mudo dheer.

Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle iyo Odoyaasha laba dhinac ee ay Khusayso ayaan weli si rasmi ah ugu hadlin sababta keentay dagaalka ama tallaabooyinka lagu joojinaayo.

Ilo Dadka Degaanka ah ayaa sidoo kale warbaahinta u shegay in Gurmadyo ciidan ay soo kala Gaareen Goobta Dagaalka uu ka dhacay , kuwaas oo ka kala yimid Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in uu dagaalladu ay ku sii fidaan Degaano hor leh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News