Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan taliska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli kooxdaasi kaga sugan tahay Jubaland.
War kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanku uu sidoo kale xooga saaray iskaashiga labada dhinac ee la xiriira la dagaallanka waxa ay dowladda ku tilmaantay argagixisada, iyada oo la adkeynayo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo howlgalada socda.
Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Maxamed Axmed Sabriye, halka dhinaca AFRICOM ay hoggaaminayeen Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.
Maalmihii lasoo dhaafay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee degaanada Jubaland ayaa si weyn u xoogeystay iyadoo ciidamada xoogga iyo kuwa Jubaland ay gaareen meelo u dhow Degmada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Kooxdaasi Al Shabaab.











