Madaxweynaha Somaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigay horumarka Somaliland

|

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Nairobi kula kulmay wakiillo ka tirsan Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Kenya, isagoo kala hadlay xaaladda Somaliland, horumarka iyo qorshayaasha xukuumaddiisa ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, Cirro ayaa kulanka kaga hadlay mudnaanta xukuumaddiisa, isagoo sheegay in Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa, isagoo xusay in in ka badan 6,000 oo ciidamo beeleed ah, oo ay weheliyaan qalabkooda, la qarameeyey, tababarna loo furay kaddibna lagu daray Ciidanka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay gobollada galbeedka Somaliland lagu wajahayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo hannaan nabadeed, iyadoo uu xusay in arrinta Laascaanoodna xukuumaddiisu doonayso in lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hab nabadeed.

Dhinaca aqoonsiga, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland 26-kii Diseembar 2025 uu ahaa dhacdo taariikhi ah, balse aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka aqoonsi-raadinta. Waxa uu sheegay in himilada Somaliland ay ku dhisan tahay amni, xasillooni, dimuqraadiyad iyo hay’ado dawli ah oo shaqaynaya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News