Dad careysan oo calanka Turkey ku gubay gobolka Baay

|

Warar iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshda ayaa muujinaya dad careysan oo goob fagaare ah ku gubay calanka Turkiga, waxayna sidoo kale ka hor yimaaadeen duullaanka Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo Koonfur Galbeed.

Dadkaas careysan ayaa waxaa ay dhigeen bannaanbaxyo ay ugu soo hojeedeen duqeymaha diyaaradaha Turkiga, kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay naf iyo hantida shacabka ah .

Qaar ka mid ah Dadkii banaanbaxaas ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in wax yeelo ay ka soo gaareen Duqeymaha Diyaaradaha Turkiga.

Qaakood ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Dowladda Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii xiliga laga ceyriyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo amniga iyo hantida shacabka Koonfur Galbeed. .

Dadka qaar ayaa qaba arigti ah Gubitaanka calanka Turkiga ay noqan karto astaan muujineysa caro siyaasadeed ama diidmo laga qabo siyaasad ahaan , Heshiis ama tallaabo ay dadka u arkaan in ay la xirirka dowlada Turkiga.

Turkiga ayaa muddooyinkii ugu Dambeeyay waxuu soomaaliya lalahaa xiriir xoogaan oo dhinacyada amniga,tababarka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha. ilo rasmi ah ayaa sidoo kale muujinaya in iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Turkiga uu weli socdo.

Magaalada Baydhabo waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay aheyd goob ay ka jiraan Dhaq -dhaaqayo siyaasadeed iyo amni oo muhiim ah.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiinta Koofur Galbeed ayaa waday dhankooda kulamo iyo Dadaalo la xirrira xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Koofur Galbeed

Saameynta :diblomaasiyeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

DHEERAAD:  WARKA KOOBAN EE KAAB TV 11-03-2024

Falkaan ayaa waxaa uu abuurikaa xiisad dhibaca xiriirka Diblomaasiyadeed ah,Gaar ahaan maadaama Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir Dhow.Sidoo kale arintaan ayaa waxay noqon karrtaa caalmad muujineys caro siyaasadeed oo u baahan in si qoto dheer loo fahmo.

Majirto ilaa iyo hadda wax ar ah oo ka soo baxay Madaxda ugu sareyso Dowladaha Somaaliya iyo Turkiga oo arintaas ku saabsan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News