Kenya oo xirtay nin lagu tuhunsan yahay inuu Soomaaliya u waday diyaarad drone ah

|

Booliiska waddanka Kenya ayaa xiray nin lagu tuhunsan yahay inuu isku dayayay inuu Soomaaliya u diro diyaarad aan duuliye lahayn (drone), taasoo lagu qabtay magaalada Nayrobi.

Ninka la xiray oo lagu magacaabo Maxamuud Xareed ayaa la qabtay Jimcihii, xilli uu ku sugnaa shirkad xamuul ah oo ku taalla xaafadda Eastleigh si uu uga qaato qalabkan oo la sheegay in laga soo diray Shiinaha.

Markii la furay, waxaa la sheegay in gudaha laga helay drone la kala furfuray iyo qalabyo kale oo ku lifaaqnaa.

Maamulka shirkadda ayaa arrinta ku wargeliyay booliiska, kuwaas oo goobta yimid, iyagoo xiray Xareed kadibna geeyay saldhigga booliiska ee Pangani si su’aalo looga weydiiyo xirmada.

Booliiska ayaa sheegay in shirkaddu ay ka shakisay xirmada kadib markii ay ogaatay in si aad ah loogu duubay sanduuq, halka qofkii soo dirayna uusan sheegin waxa ku jira.

Sida ku cad warbixinta booliiska, Hared ayaa bixiyay lacagta rarida iyada oo loo marayo M-Pesa wuxuuna dalbaday in baakadka la furo.

Hared weli wuxuu ku jiraa xabsiga booliska iyadoo baaritaanno lagu wado rarida alaabta iyo sida loogu talagalay in loo isticmaalo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News