Dowladda Suudaan ayaa wadahadallo diblomaasiyadeed oo kala duwan la yeelatay Soomaaliya iyo Masar, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda Suudaan, isbeddellada gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan iyo iskaashiga arrimaha ay danaha wadaagaan.
Kulanka Soomaliya iyo Suudaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku kulmeen wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, iyo safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi.
Warar dheeraad ah lagama soo saarin kulanka, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada dhinac ay muujiyeen rabitaan ku aaddan sii wadista xiriir diblomaasiyadeed oo dhow iyo iskaashi labada dal ah.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan, Mohy El-Din Salem, ayaa wada-hadal taleefan ah la yeeshay dhiggiisa Masar, Badr Abdelatty, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda Suudaan iyo xiriirka labada dal.
Masar ayaa mar kale muujisay taageerada ay u hayso midnimada Suudaan, madax-bannaanideeda, dhulkeeda iyo hay’adaha dowladda, iyadoo Qaahira ku adkaysatay in xal siyaasadeed oo loo raadinayo colaadda dalkaasi uu noqdo mid ay Suudaaniyiintu leeyihiin oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale sheegay in geeddi-socodka siyaasadeed uu muhiim u yahay ilaalinta hay’adaha dowladda iyo kheyraadka dalka, isla markaana uu horseedi karo dib u soo celinta amniga iyo xasilloonida.
Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli Suudaan ay weli ku jirto dagaal daba dheeraaday oo u dhexeeya dhinacyada isku haya awoodda, kaas oo sababay xaalad bani’aadannimo oo aad u daran, isla markaana sii kordhiyay walaaca amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka.
Dagaalka Suudaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xiriirrada gobolka, iyadoo dalalka deriska iyo kuwa kale ee gobolka ay kordhinayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu wajahayo colaadda iyo saameynteeda.

