Cabdirashiid Janan oo ku biiray Jubbaland

|

Taliyihii hore ee Nabad-Sugidda Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cabdirashiid Janan, ayaa sheegay inuu ku biiray maamulka Jubbaland, kaddib wadahadallo maalmahan uu la lahaa Jubbaland Axmed Madoobe.

Cabdirashiid Janan ayaa ciidamadii dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay ku safay xerada UK ee duleedka Beledxaawo, isagoo ku wargeliyay in khilaafkii kala dhexeeyay Jubbaland uu dhammaaday.

Wararka ayaa sheegaya in Jubbaland ay ogolaatay inay bixiso mushaharka ciidamadaasi, kuwaas oo la sheegay in muddo aysan wax mushahar ah ka helin Dowladda Federaalka.

Cabdirashiid Janan Taliyihii hore ee Nabad-Sugidda Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ciidamadiisa u sheegay in Dowladda Federaalka aysan daacad ka ahayn arrimaha Jubbaland, isagoo qaar ka mid ah saraakiisha iyo madaxda dowladda ku eedeeyay inay arrimaha dalka ka eegayaan dano gaar ah iyo kuwo qabaa’ileed.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid loollanka siyaasadeed iyo amni ee Gedo, gaar ahaan magaalada Beledxaawo oo ah goob istaraatiiji ah oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Ku biirista Janan iyo ciidamadiisa Jubbaland waxay wax ka beddeli kartaa miisaanka awoodda ee Gedo, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay muddo dheer isku hayeen maamulka gobolka iyo ciidamada ku sugan halkaasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News