Shiinaha oo Marakiib dagaal u soo diraaya biyaha Soomaaliya

|

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay bartamaha Agoosto markabyo dagaal oo cusub u diri doonto Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ilaalinta maraakiibta iyo amniga isku socodka badda.

Ciidamadan ayaa noqonaya guutada 49-aad ee ciidamada badda Shiinaha ee ka howlgasha Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya, waxaana ay xilka kala wareegi doonaan guutada 48-aad oo howlgalkeedu bilowday bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Guutada cusub ayaa ka kooban markabka dagaalka ee gantaallada hago Kunming, markabka dagaalka ee Yueyang, iyo markabka sahayda iyo taageerada ciidamada badda ee Luomahu.

Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada badda dalku ay ka go’an tahay ilaalinta amniga marin-biyoodka caalamiga ah, iyo taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Shiinaha ayaa tan iyo sanadkii 2008 si joogto ah ciidamo badeed uga howlgeliya Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo howlgalkaasi lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsiga ee mara waddooyinka caalamiga ah. Sida ay sheegtay wasaaraddu, ciidamada Shiinaha ayaa ilaa hadda galbin iyo ilaalin siiyay in ka badan 7,000 markab oo Shiinaha iyo dalal kale laga leeyahay.

Ciidamada badda Shiinaha ayaa sidoo kale hore uga qeyb qaatay samatabbixinta iyo caawinta maraakiibta xaaladaha degdegga ah, iyo daadgureynta muwaadiniinta Shiinaha iyo ajaanibta laga soo saaray dalal ay ka jireen dagaallo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News