Sacdiya Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiya Bajaaj oo dhammaadkii June ee sannadkaan uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed oo 3 sano ah ayaa maanta dib xorriyaddeeda u heshay kaddib markii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay baabi’isay xukunkaas.
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa dhowaan dhagaysatay racfaanka ay xukunkii hore ka qaateen qareennada Sacdiyo Bajaaj, waxa ay sharaxeen ujeedka racfaankooda iyada oo ugu dambayn Maxkamaddu shaacisay maanta in ay burisay xukunkaas.
Intii ay xirneyd, kiiskeedu wuxuu dhaliyay hadal-heyn ballaaran oo gudaha Soomaaliya ah, waxaana si gaar ah uga hadlay siyaasiyiin mucaarad ah iyo qeybaha bulshada rayidka ah. Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa dhowr jeer qabtay shirar jaraa’id iyo dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in Sacdiya la sii daayo, iyagoo ku doodayay in xabsigeedu uu ahaa mid aan caddaalad ahayn.
Sacdiya, oo ah hooyo carruur leh, ayaa muddooyinkii ay xirneyd noqotay kiis si weyn loo hadal hayo, iyadoo taageerayaasheedu ay si joogto ah ugu baaqayeen hay’adaha garsoorka inay dib u eegaan xukunkii hore.
Go’aanka maanta ee Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa, waxaana Sacdiya dib loogu celiyay xorriyaddeeda kaddib 122 maalmood oo xabsi ah.

