Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in muddadii ay xilka haysay ay magaalada Muqdisho ka barakicisay boqolaal kun oo qof.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in qiyaastii 500,000 oo qof laga barakiciyay gudaha caasimadda, isagoo sidoo kale sheegay in dadkaasi laga saaray in ka badan 150 goobood oo ay horey u deggenaayeen.
Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli muranka ku saabsan dhulka, barakicinta shacabka iyo burburinta guryaha Muqdisho uu si weyn uga dhex taagan yahay dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay mas’uul ka tahay barakicin baahsan oo ka dhacday Muqdisho.
Arrimahan ayaa marar badan keenay isku dhacyo u dhexeeya dadka deegaanka, milkiilayaasha dhulka iyo hay’adaha dowladda,Marka boqolaal kun oo qof ay wajahaan xaalad noocaas ah, saameyntu waxay gaari kartaa bulshada oo dhan. Carruurta ayaa laga yaabaa inay waxbarashada ka harraan, ganacsatada yaryarna ay waayaan goobihii ay ka shaqeynayeen.
Hadalka Xasan Cali Khayre wuxuu qayb ka yahay dhaleeceyn ballaaran oo ay siyaasiyiin mucaarad ah u jeedinayaan dowladda Xasan Sheekh.
Mucaaradku waxay ku eedeeyaan dowladda in arrimaha dhulka loo adeegsanayo dano gaar ah, halka dowladda ay dhinaceeda sheegtay inay waddo nidaamayn iyo maamul lagu sameynayo dhulalka caasimadda.
Waxa hadda muhiimka ah ayaa ah in dowladda Xasan Sheekh ay si cad uga jawaabto eedeymaha.

