Garoonka Baydhabo oo la xiray, duulimaadyadii rakaabka oo istaagay sababo la xiriira dagaalka

|

Xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saakay si weyn u kacsan, kaddib markii uu magaalada ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee taageersan dhinaca uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.

Dagaalka ayaa saameeyey lix xaafadood oo ka tirsan magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah Alfaras, Suuqa Xoolaha, Boonkaay, Al-Axmaar, Daarusalaam iyo Towfiiq.

Rasaas xooggan, qaraxyo iyo hub culus ayaa laga maqlayaa qeybo kala duwan oo magaalada ah, iyadoo xaaladda shacabka ay sii adkaaneyso.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen ay dhowr jiho ka weerareen magaalada, iyadoo ciidamadaasi lagu soo warramayo inay gudaha u galeen qaybo ka mid ah Baydhabo.

Goobaha uu dagaalku si gaar ah uga xooggan yahay waxaa ka mid ah Suuqa Xoolaha, halkaas oo la soo sheegay in laga maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo is-daba joog ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in iska horimaadyo ay ka socdaan dhanka Towfiiq ilaa waddada 30-ka, iyadoo dagaalku uu ku sii fidayo xaafado kale.

Weli si madax-bannaan looma xaqiijin cidda si buuxda gacanta ugu haysa xaafadaha uu dagaalku saameeyey, waxaana dhinacyada dagaallamaya ay soo saarayaan warar iyo sheegashooyin iska soo horjeeda.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay ka cararayaan guryahooda, gaar ahaan dadka ku nool xaafadaha ay rasaastu iyo madaafiicdu ka dhacayaan.

DHEERAAD:  Tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Wararkii hore ayaa sidoo kale sheegay in dab uu qabsaday dhowr guri oo ay leeyihiin dad rayid ah, inkastoo aan weli la xaqiijin sababta dabka iyo khasaaraha uu geystay.

Shirkadda korontada ee magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale la sheegay inay jartay adeegga korontada.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid taxaddar ah oo looga hortagayo khatar ka dhalan karta dagaalka, gaar ahaan haddii rasaas ama madaafiic ay waxyeello u geystaan xarumaha iyo khadadka korontada.

Koronto la’aanta ayaa xaaladda shacabka sii adkeyn karta, gaar ahaan haddii dagaalku sii dheeraado.

Dhinaca kale, Ugaas Xasan, oo ah afhayeenka garabka Laftagareen, oo la hadlay kaab TV ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada taageersan maamulka Koonfur Galbeed isla markaana ay guryahooda ku nagaadaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada taageersan Laftagareen ay wadaan waxa uu ku tilmaamay “howlgal nadiifin ah” oo gudaha magaalada Baydhabo ah.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay ciidamada ku sugan Baydhabo ee taageersan dhinaca Aadan Madoobe inay is dhiibaan.

Hadalladan ayaa muujinaya in dhinaca Laftagareen uu sheeganayo inuu si weyn u kordhiyey howlgallada militari ee magaalada.

Waxaa xeran sidoo kale garoonka diyaaradaha oo uu dagaalka u dhawaaday,ma jiraan manta wax diyaarad ah oo rakaab u qaaday Baydhabo sida uu sheegay mas’uul ka tirsan maamulka Baydhabo.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ciidamada taageersan Laftagareen ay gacanta ku dhigeen hub iyo qalab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada dhinaca Aadan Madoobe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News