Turkey oo loogu baaqay inay joojiyaan duqeymaha beegsiga ee ay ka wadaan Koonfur Galbeed Soomaaliya

|

Xildhibaanno laga soo doorto dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa galabta magaalada Nairobi ee Kenya ku qabtay shir jaraa’id, iyagoo bayaan culus ka soo saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay bayaankooda diiradda ku saareen saddex arrimood oo ay ugu waaweyn yihiin duqeyntii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, eedeymaha loo jeediyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadu waxay si adag u cambaareeyeen duqeyntii Khamiistii ka dhacday Doolow, iyagoo ku eedeeyay dowladda Turkiga inay bartilmaameedsatay General Mahad Cabdiraxmaan “Shubka”, oo hoggaamiya ciidamada Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira ciidamada taabacsan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo dowladda federaalka.

“Waxaan si degdeg ah ugu soo jeedinaynaa dowladda Turkiga inay joojiso duqeymaha ay ka waddo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay akhrinayeen xildhibaannadu.

Bayaanka waxaa akhriyey Xildhibaan Xasan Cabdinuur, oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale si toos ah ugu eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Turkiga inay yihiin waxa ay ku tilmaameen labada khatarood ee ugu waaweyn ee maanta Soomaaliya ka jira.

“Sideeda, haddii ay halis jirto maanta oo halis ku ah amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaa jirta hal khatar waana madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Eedeymaha xiriirka Al-Shabaab

Xildhibaannadu waxay sidoo kale diideen eedeymaha loo jeediyay ciidamada Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo dowladda federaalku horey ugu eedeysay inay xiriir ama wada-shaqeyn la leeyihiin Al-Shabaab.

DHEERAAD:  BAYDHABO: Sannadguurada 81aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya

Waxay sheegeen in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal lahayn, xilli dagaallo culus ay bilihii u dambeeyay ka socdeen magaalada Baydhabo iyo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Dagaallada ayaa u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen iyo ciidamo taageersan Aadan Madoobe iyo dowladda federaalka, kuwaas oo xildhibaannadu sheegeen inay taageero ka helayaan dowladda Turkiga.

Mudaagaraadyo ka dhan ah Turkey oo ka dhacay deegaanada Jubaland.
Mudaagaraadyo ka dhan ah Turkey oo ka dhacay deegaanada Jubaland.

Dagaallada Baydhabo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ay weli taagan tahay.

Doorasho iyo muddo-kordhin

Xildhibaannadu waxay sidoo kale sheegeen in kacdoonka iyo dhaqdhaqaaqyada shacabka ee ka socda Koonfur Galbeed ay qayb ka yihiin dadaal looga soo horjeedo muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku baaqay in dalka laga qabto doorasho dimuqraadi ah.

Waxay ugu baaqeen shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya inay garab istaagaan dhaqdhaqaaqyada shacabka ee doonaya doorasho loo dhan yahay oo dimuqraadi ah.

Shirkan jaraa’id ee Nairobi ayaa ku soo beegmay xilli Khamiistii diyaarad ay xildhibaannadu ku sheegeen inay ahayd drone laga leeyahay Turkiga ay duqeyn ka fulisay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa lagu soo warramay inay dhaawacyo soo gaarsiisay General Mahad Cabdiraxmaan, xaaskiisa iyo xubno ka tirsan ilaaladiisa. Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarka oo ay ku tilmaameen isku day dil oo lagu bartilmaameedsaday General Mahad.

General Mahad Cabdiraxmaan ayaa hoggaaminaya ciidamada Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira ciidamada taageersan Aadan Madoobe iyo kuwa dowladda federaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News