Baydhabo: Shacabka oo Magaalada ka barakacaya, ciidamo cusubna la geeyay

|

Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow ayaa sii adkaanaysa, iyadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in qaar ka mid ah shacabka ay bilaabeen inay ka baxaan magaalada, kaddib markii ay soo wajahday amni-darro iyo cabsi laga qabo dagaallo cusub.

Odayaal, haween, carruur iyo qoysas wata xoolahooda ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada, iyagoo raadinaya goobo ay uga nabadgalaan xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada ay ku hareen qaar ka mid ah qoysaska, gaar ahaan xaasas, carruur iyo qaraabada dadka xilalka ka haya maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.

Dhanka kale, ciidamo cusub ayaa la sheegay in laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Baydhabo, kuwaas oo qayb ka noqonaya ciidamadii dowladda ee ku sugnaa magaalada.

Ciidamadan cusub waxaa garoonka ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga iyo Booliska, iyadoo sidoo kale la sheegay in ciidanka cusub uu hoggaaminayay taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan loo diyaarinayo inay qayb ka noqdaan howlgallo amni oo ka dhan ah ciidamo Daraawiish ah oo taageersan Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.

Soo gelitaanka ciidamadan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada iyo nawaaxigeeda ay ka jirto xiisad militari iyo mid siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale Baydhabo waxaa la geeyay ciidamo ka tirsan Gorgor, kuwaas oo sida wararka lagu sheegay markii ugu horreysay dagaal toos ah la galay ciidamada taabacsan Laftagareen.

DHEERAAD:  Maraykanka & Xulufadiisa oo sheegay in duqayn xooggan ay ku beegsadeen Xuutiyiinta Yemen.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaallamay, iyadoo weli ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.

Mid ka mid ah askarta lagu magacaabo Nuur Ganey, oo maalmo ka hor ku dhaawacmay dagaalladii Baydhabo, ayaa la sheegay inuu dhaawacii soo gaaray u geeriyooday magaalada Muqdisho.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay weli isku horfadhiyaan qaybo ka mid ah duleedka Baydhabo.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel lagu sheegay xero tababar ciidan.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxu ka dhacay goob ay ciidamo ku tababaranayeen, balse illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin nooca qaraxa iyo waxa sababay.

Xaaladda Baydhabo ayaa hadda noqotay mid si weyn u saameyneysa dadka rayidka ah. Qoysas badan ayaa ka baqaya in magaalada uu ka qarxo dagaal cusub, taasoo keentay in qaar ka mid ah shacabka ay guryahooda ka baxaan.

Dadka magaalada ka tegaya ayaa la sheegay inay u kala baxayaan deegaano ka baxsan Baydhabo, iyagoo wata carruurtooda iyo xoolahooda, halka qaar kalena ay raadinayaan goobo ay si ku meel gaar ah ugu badbaadaan.

Haddii xaaladdu sii socoto, waxaa laga cabsi qabaa in barakaca shacabka uu kordho, taasoo dhalin karta baahi dhinaca hoyga, cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka ah.

Baydhabo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay noqotay goob ay isku hayaan dhinacyo siyaasadeed iyo militari, iyadoo dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay isku khilaafsan yihiin arrimo siyaasadeed iyo amni.

DHEERAAD:  Cumar Cabdirashiid oo fariin udiray Baarlamaanka Soomaaliya

Ciidamada cusub ee la geeyay magaalada iyo dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka socda duleedka Baydhabo ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho dagaal ballaaran.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News