Dabageed: Doorasho kama dhicin Hirshabeelle

|

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay in wax doorasho ah aysan ka dhicin magaalada Beledweyne, gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle.

Dabageed ayaa sheegay in ka hor 30-kii Sebtembar uu si cad uga digay in Hiiraan aysan ka dhici karin hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, haddii aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed, wadatashi ballaaran iyo ka-qaybgal dhab ah oo ay yeeshaan bulshada deegaanka.

Wuxuu sheegay in dhacdadii 30-kii Sebtembar ee loo soo bandhigay doorasho aysan ahayn hannaan doorasho oo sharciyad u yeelan kara go’aaminta hay’adaha siyaasadeed ama maamulka xiga ee Hirshabeelle.

“Wax doorasho ah kama dhicin Hirshabeelle, lamana dooran, lamana dhisin maamul saddexaad oo haysta sharciyad siyaasadeed,” ayuu yiri Dabageed.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in wadatashiyada ka socda magaalada Beledweyne ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in xal looga gaaro tabashooyinka siyaasadeed ee muddada dheer ka jiray gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wadatashiyada lagu doonayo in lagu dhiso maamul saddexaad oo uu ku tilmaamay mid ka caddaalad badan, kana loo dhan yahay maamuladii hore.

Dabageed ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ay isugu yimaadeen duubabka dhaqanka, siyaasiyiin, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo doonaya in wada-tashiga lagu daro dhammaan dhinacyada muhiimka u ah dhismaha maamulka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu diiddan yahay isku day kasta oo dhacdooyinkii 30-kii Sebtembar loogu adeegsanayo sharciyad ama awood lagu go’aamiyo hoggaanka iyo hay’adaha xiga ee Hirshabeelle.

DHEERAAD:  Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in si rasmi ah loo joojiyay howlihii Hay’adda Alight International ee magaalada Laascaanood.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo mustaqbalka maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, hay’adaha doorashada iyo dowladda ayaa hore u sheegay in 30-kii Sebtembar ay ka dhacday codbixin qaybo ka mid ah Hirshabeelle. Sidaas darteed, hadalka Dabageed wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa mowqifka dhinacyada taageersan hannaanka doorashada.

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira tabashooyin siyaasadeed oo ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Hiiraan, kuwaas oo doonaya in marka hore la helo heshiis siyaasadeed iyo hannaan ay dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Hirshabeelle, oo ay ku jiraan dadka ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe, inay ka qaybqaataan wadahadal nabadeed oo lagu xallinayo tabashooyinka jira.

Dabageed ayaa sheegay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo horseeda in la dhiso maamul ay dhammaan bulshada Hirshabeelle si dhab ah uga dhex muuqdaan, isagoo ku baaqay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.

Xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo dhinacyada kala duwan ay ku kala aragti duwan yihiin doorashada, qaabka loo dhisayo maamulka iyo cidda xaqa u leh inay go’aamiso hannaanka siyaasadeed ee mustaqbalka Hirshab

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News