Ciidamada Laftagareen oo la wareegay deegaanno muhiim ah, walaacna laga muujinayo amniga Baydhabo

|

Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maalmo gudahood la wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo cadaadis cusub ku abuurtay maamulka uu hogg

Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maalmo gudahood la wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo cadaadis cusub ku abuurtay maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe.

Ciidamadan ayaa la wareegay degmada Qansaxdheere 8-dii Oktoobar, halka 15-kii Oktoobar ay gudaha u galeen degmada Buurhakaba kaddib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, 16-kii Oktoobar ayay ciidamada taageersan Laftagareen la wareegeen degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle.

Isbeddelladan ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan sida ay ciidamada Laftagareen ugu suurtagashay inay muddo gaaban kula wareegaan goobo muhiim ah, iyadoo xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay noqotay mid si dhow loola socdo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe ay isaga baxeen qaar ka mid ah goobaha ay la wareegeen ciidamada Laftagareen, halka Buurhakaba uu ka dhacay dagaal culus ka hor inta aysan ciidamadaasi gudaha u gelin degmada.

Qansaxdheere iyo Bardaale ayaa la sheegay in ay ku gacan galeen ciidamada Laftagareen kaddib markii ay ciidamadii halkaas joogay dib uga baxeen ama ay is dhiibeen, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin dhammaan faahfaahinta dhacdooyinkaasi.

DHEERAAD:  Waa kuma Ryan Routh: Ninka looga shakisan yahay iskudayga dilka Trump?

Deegaanka Awdiinle oo ku dhow Baydhabo ayaa sidoo kale la wareegistiisa loo arkaa arrin muhiim u ah xaaladda amni ee magaalada, maadaama uu ku yaallo meel istaraatiiji ah oo xiriir la leh waddooyinka gobolka.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee dhanka degmada Diinsoor oo ay lawareegeen sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Dadka ku sugan Baydhabo ayaa walaac ka muujinaya halka ay xaaladdu ku dambayn karto, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe ay weli gacanta ku hayaan magaalada. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in dagaal cusub uu ka qarxi doono magaalada.

wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen ay soo dhoweyn kala kulmeen dad ku sugan deegaanno ay la wareegeen. Hase yeeshee, lama xaqiijin karo in dhammaan shacabka deegaannadaasi ay isku mowqif ka yihiin loollanka siyaasadeed ee ka socda gobolka.

Khilaafka u dhexeeya Laftagareen iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sababay iska horimaadyo iyo isbeddello siyaasadeed oo waaweyn oo ka dhacay Koonfur Galbeed. Laftagareen ayaa laga saaray Baydhabo bishii Maarso 2026, kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada, waxaana hoggaanka maamulka la wareegay Aadan Madoobe.

Guulaha cusub ee ay sheeganayaan ciidamada Laftagareen ayaa sii kordhinaya loollanka labada dhinac, iyadoo aan weli la ogeyn in xaaladda lagu xallin doono wadahadal siyaasadeed ama ay horseedi doonto dagaallo kale.

aamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe.

Ciidamadan ayaa la wareegay degmada Qansaxdheere 8-dii Oktoobar, halka 15-kii Oktoobar ay gudaha u galeen degmada Buurhakaba kaddib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

DHEERAAD:  Qarax Miino oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Sidoo kale, 16-kii Oktoobar ayay ciidamada taageersan Laftagareen la wareegeen degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle.

Isbeddelladan ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan sida ay ciidamada Laftagareen ugu suurtagashay inay muddo gaaban kula wareegaan goobo muhiim ah, iyadoo xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay noqotay mid si dhow loola socdo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe ay isaga baxeen qaar ka mid ah goobaha ay la wareegeen ciidamada Laftagareen, halka Buurhakaba uu ka dhacay dagaal culus ka hor inta aysan ciidamadaasi gudaha u gelin degmada.

Qansaxdheere iyo Bardaale ayaa la sheegay in ay ku gacan galeen ciidamada Laftagareen kaddib markii ay ciidamadii halkaas joogay dib uga baxeen ama ay is dhiibeen, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin dhammaan faahfaahinta dhacdooyinkaasi.

Deegaanka Awdiinle oo ku dhow Baydhabo ayaa sidoo kale la wareegistiisa loo arkaa arrin muhiim u ah xaaladda amni ee magaalada, maadaama uu ku yaallo meel istaraatiiji ah oo xiriir la leh waddooyinka gobolka.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee dhanka degmada Diinsoor oo ay lawareegeen sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Dadka ku sugan Baydhabo ayaa walaac ka muujinaya halka ay xaaladdu ku dambayn karto, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe ay weli gacanta ku hayaan magaalada. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in dagaal cusub uu ka qarxi doono magaalada.

wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen ay soo dhoweyn kala kulmeen dad ku sugan deegaanno ay la wareegeen. Hase yeeshee, lama xaqiijin karo in dhammaan shacabka deegaannadaasi ay isku mowqif ka yihiin loollanka siyaasadeed ee ka socda gobolka.

DHEERAAD:  Xasan Cali Kheyre oo hambalyo udiray Axmed Madoobe, DF ugu baaqay in ay joojiso ciidanka ay ku daad gureyneso Kismaayo

Khilaafka u dhexeeya Laftagareen iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sababay iska horimaadyo iyo isbeddello siyaasadeed oo waaweyn oo ka dhacay Koonfur Galbeed. Laftagareen ayaa laga saaray Baydhabo bishii Maarso 2026, kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada, waxaana hoggaanka maamulka la wareegay Aadan Madoobe.

Guulaha cusub ee ay sheeganayaan ciidamada Laftagareen ayaa sii kordhinaya loollanka labada dhinac, iyadoo aan weli la ogeyn in xaaladda lagu xallin doono wadahadal siyaasadeed ama ay horseedi doonto dagaallo kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News