Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, kaas oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo.
Wafdiga waxaa hoggaaminaysay Rainatou Debuty, oo ah Agaasime ku-xigeenka Xafiiska WFP ee Soomaaliya, waxaana kulanka ka qaybgalay wasiirro ka tirsan maamulka Jubaland iyo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka, caafimaadka iyo barakacayaasha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta mashaariicda bani’aadamnimo ee ka socda deegaannada Jubaland, gaar ahaan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka soo noqnoqda ee saameeya bulshada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay baahiyaha dadka nugul, sidii loo xoojin lahaa gurmadka bani’aadamnimo, kor loogu qaadi lahaa adkeysiga bulshada, loona taageeri lahaa qoysaska ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadamnimo.
Madaxweynaha Jubaland ayaa uga mahadceliyey WFP taageerada ay siiso bulshada iyo doorka ay ka qaadato wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah. Waxa uu sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Jubaland iyo hay’adda.
Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah wajahaan baahiyo bani’aadamnimo, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha gargaarka iyo maamullada dalka.











