Su’aalo ayaa ka taagan habka loo baaro dadka ku biiraya hay’adaha amniga, kadib markii warbixinno kala duwan ay muujiyeen in xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab ay dowladda isu soo dhiibeen, qaarna ay xilal ka qabteen hay’adaha dowladda. Dhanka kale, saraakiil iyo ciidamo dowladeed ayaa lagu eedeeyay dilal, handadaad, dhac iyo barakicin sharci-darro ah.
Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan in dadka hore uga tirsanaa kooxaha hubeysan ee xilalka loo dhiibayo ay maraan baaritaan amni oo dhammaystiran, iyo in si dhab ah loola xisaabtamo masuuliyiinta lagu helo inay shacabka ku dhibaateeyeen magaca dowladda.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii si weyn su’aalaha u dhaliyay wuxuu ahaa weerarkii 10-kii Febraayo 2024 ka dhacay xarunta tababarka ciidamada General Gordon ee Muqdisho. Weerarka waxaa geystay nin ku labisnaa dareeska ciidamada, kaas oo rasaas ku furay saraakiil iyo tababarayaal shisheeye xilli ay ku sugnaayeen xarunta.
Warbixin ay soo saartay hay’adda ACLED ayaa sheegtay in ninka weerarka fuliyay uu hore uga goostay Al-Shabaab, kadibna lagu qoray ciidanka dowladda, iyadoo la sheegay inuusan marin nidaamkii rasmiga ahaa ee baaritaanka iyo dib-u-dhexgalka. ACLED waxay tilmaantay in nidaam degdeg ah oo askarta lagu qorayay, kaas oo dammaanad-qaadayaal siyaasadeed lagu adeegsanayay, uu meesha ka saari karay baaritaankii amni ee looga baahnaa dadka cusub.
Dhacdadan waxay muujisay in qof hore uga tirsanaa koox hubeysan haddii aan si wanaagsan loo baarin, ay jiri karto khatar ah inuu gudaha u galo hay’adaha amniga isagoo aan si dhab ah uga go’in kooxdii uu ka tirsanaa. Si kastaba, weerarkaasi ma caddaynayo in dhammaan dadkii hore uga tirsanaa Al-Shabaab ee dowladda ku biiray ay weli kooxda xiriir la leeyihiin.
Warbixinta hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha magangelyada, EUAA, ee May 2025 ayaa faahfaahin ka bixisay caqabadaha la xiriira dadka ka soo goosta Al-Shabaab iyo habka dib loogu dhexgeliyo bulshada ama hay’adaha dowladda.
Warbixinta ayaa soo xigatay hadallo ay bixisay Jenaraal Zakia Xuseen, taliye ku-xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya, kuwaas oo tilmaamayay in xubno qaarkood ay iska dhigaan inay ka baxeen Al-Shabaab, balse ay isku dayaan inay gudaha u galaan Ciidanka Xoogga Dalka ama Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyagoo weli kooxda xiriir la leh.
EUAA waxay sidoo kale xustay in baaritaanka dadka soo goosta uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin xog sirdoon oo aan ku filnayn, habraacyo aan isku mid ahayn iyo eex ka imaan karta dadka baaritaanka sameeya. Taasi waxay adkeyn kartaa in la kala saaro qof si dhab ah uga baxay kooxda iyo qof doonaya inuu ka faa’iideysto fursadda uu ku geli karo hay’adaha dowladda.
Mas’uuliyiin hore uga tirsanaa Al-Shabaab oo xilal dowladeed qabtay,Waxaa jira masuuliyiin ay taariikhdooda hore ee Al-Shabaab si cad uga qoreen warbaahinno caalami ah, kuwaas oo markii dambe xilal ka qabtay dowladda Soomaaliya.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo loo yaqaan Abuu Mansuur, wuxuu ka mid ahaa hoggaankii sare ee Al-Shabaab, wuxuuna soo noqday afhayeenka iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda. Wuxuu dowladda isu soo dhiibay bishii Agoosto 2017, waxaana 2-dii Agoosto 2022 loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Magacaabistiisa waxaa xilligaas ka dhashay dood siyaasadeed iyo mid bulsho. Qaar waxay u arkeen fursad lagu dhiirrigelinayo xubnaha ka soo goosta Al-Shabaab, halka dad kale ay su’aalo ka keeneen in qof hore uga tirsanaa hoggaanka kooxda loo dhiibo xil wasiirnimo.
Mas’uul kale waa Ibraahim Aadan Ibraahim oo loo yaqaan Nadaara. oo horay uga tirsanaa maamulka Al-Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool, gaar ahaan dhinaca waxbarashada, isla markaana uu kooxda ka baxay 2016.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa 11-kii Agoosto 2024 u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.Labadan tusaale waxay muujinayaan in dowladda Soomaaliya ay xilal u dhiibtay dad hore uga tirsanaa Al-Shabaab
Macallin Mahdi iyo Yaasiin Ganey oo lagu soo qaaday eedeymo,Dhinaca hay’adaha amniga, ayaa magacyada Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaan Macallin Mahdi, iyo Yaasiin Ganey ku xustay eedeymo la xiriira taariikhdoodii hore.
Oodayaal iyo dad deegaanka ah ayaa ku eedeeyeen labada sarkaal inay hore uga tirsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ku biireen Booliska Federaalka. cabashooyin ay qoysas barakacayaal ah ka muujiyeen howlgal ka dhacay deegaanka Warshaddii Hore ee Daawada, halkaas oo warbaahintu sheegtay in in ka badan 2,000 oo qoys ay wajahayeen barakicin.
Macallin Mahdi ayaa dhiniciisa muddo ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga. Warbixinno hore ayaa sheegay inuu xilal amni ka soo qabtay Galmudug, halka BBC Somali ay 24-kii Diseembar 2025 wareysi la yeelatay, kaas oo uu kaga hadlay dhaawacyo uu sheegay inay ka soo gaareen dagaallo iyo weerarro Al-Shabaab.
Cabashooyinka shacabka iyo eedeymaha ka dhanka ah ciidamada,Doodda ku saabsan taariikhda saraakiisha waxaa barbar socda cabashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ka muujiyaan hab-dhaqanka qaar ka mid ah dadka hubeysan ee sheegta inay ka tirsan yihiin hay’adaha dowladda.
Cabashooyinka la soo gudbiyo waxaa ka mid ah dilal, dhac, handadaad, xarig aan sharci ahayn iyo barakicin qoysas danyar ah. Dadka cabashooyinka qaba qaarkood waxay sheegaan in dareeska ciidamada iyo magaca dowladda loo adeegsado arrimo aan shaqada amniga la xiriirin.
Warbixinta xuquuqda aadanaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee sannadka 2024 ayaa diiwaangelisay eedeymo la xiriira dilal sharci-darro ah, jirdil iyo xarig aan sharci ahayn oo loo nisbeeyay ciidamada amniga iyo kooxo dowladda taageera.
Warbixintaasi waxay soo xigatay xogta Qaramada Midoobay oo sheegtay in ciidamada amniga dowladda ay dileen 72 qof oo rayid ah intii u dhexeysay Janaayo iyo Sebtembar 2024. Tiradani waxay muujinaysaa baahida loo qabo baaritaan iyo isla-xisaabtan, balse ma caddaynayso in dadka falalkaas geystay ay hore uga tirsanaayeen Al-Shabaab ama Daacish.
Waxaa muhiim ah in baaritaan lagu sameeyo dhacdo kasta, lana ogaado cidda ka dambeysay, iyadoo aan eedeymo guud lagu wada darin dhammaan ciidamada ama dhammaan dadka hore uga soo goostay kooxaha hubeysan.
Warbixinnada ACLED iyo EUAA waxay tilmaamayaan in nidaamka lagu hubiyo dadka ka soo goosta Al-Shabaab uu leeyahay caqabado u baahan in wax laga qabto. Waxaa ka mid ah xog sirdoon oo aan ku filnayn, eex ka dhalan karta xiriirrada qoyska iyo habraacyo aan si isku mid ah loo fulin.
Haddii qof aan si wanaagsan loo baarin lagu daro ciidanka, waxaa dhici karta inuu helo xog xasaasi ah, hub iyo awood uu ku waxyeelleeyo shacabka ama hay’adaha dowladda. Sidoo kale, haddii qof weli xiriir la leh Al-Shabaab uu galo hay’adaha amniga, waxaa halis geli kara xogta sirta ah iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda.
Dowladda waxaa looga baahan yahay in qof kasta oo hore uga tirsanaa koox hubeysan uu maro baaritaan amni oo madax-bannaan, hubin taariikheed iyo hannaan dib-u-dhexgal oo la kormeero. Sidoo kale, waa in si joogto ah dib loogu qiimeeyo shaqaalaha hay’adaha amniga, gaar ahaan marka ay soo baxaan cabashooyin ama xog cusub oo la xiriirta qof gaar ah.
Isla-xisaabtan iyo ilaalinta shacabka,Arrinta kale ee muhiimka ah waa in saraakiisha iyo ciidamada lagu eedeeyo inay shacabka dhibaateeyeen aan laga ilaalin baaritaanka sababtoo ah waxay hayaan xil ama darajo ciidan.
Haddii sarkaal lagu helo inuu ku kacay dil sharci-darro ah, jirdil, dhac, handadaad ama barakicin sharci-darro ah, waa in sharciga la horgeeyaa. Baaritaanku waa inuu noqdaa mid caddaalad ah oo aan lagu salayn xiriir qoys, qabiil, siyaasad ama darajo ciidan.
Sidoo kale, dowladda waa inay shacabka siisaa waddooyin ammaan ah oo ay ku gudbin karaan cabashooyinkooda, isla markaana ay jiraan hay’ado madax-bannaan oo baara eedeymaha ka dhanka ah ciidamada.

