Axmed Madoobe oo kormeeray ciidamada Daraawiishta ee Jubbada Hoose

|

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay deegaanada Miido, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee saldhigyada ku leh deegaannadaasi.

Booqashada Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ciidamada, howlaha amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannadaas. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan goobaha uu booqday.

Madaxweynaha waxaa kormeerka ku wehelinayay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Janaraal Ismaaciil Saxardiid, saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda Jubaland.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Madaxweynaha Jubaland ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen, isagoo xusay inay ku shaqeynayaan xaalado adag, balse ay sii wadaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada ay door muhiim ah ku leeyihiin nabadgelyada deegaannada ay ku sugan yihiin, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo shaqada ciidamada.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in shaqada ay ciidamada qabtaan ay saldhig u tahay in shacabka ay helaan amni ay ku noolaadaan, ganacsigoodana ay si nabad ah ku wataan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa intii uu booqashada ku jiray ka hadlay dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, taas oo uu sheegay in Dowladda Jubaland iyo shacabka ay ku bilaabeen isku-tashi.

DHEERAAD:  Itoobiya oo Ciidamo cusub usoo tababartay Soomaaliya

Axmed Madoobe ayaa xusay in amniga deegaannada ay muhiim u yahay hirgelinta mashaariicda horumarineed, gaar ahaan dhismaha waddooyinka isku xira magaalooyinka iyo deegaannada kala duwan.

Sida uu sheegay, joogitaanka ciidamada Daraawiishta ee deegaannadaasi ayaa door ka qaatay helitaanka amni suurageliyay in la bilaabo dhismaha waddada, kaas oo uu tilmaamay inuu hadda marayo heer wanaagsan.

Waddada Kismaayo iyo Afmadow ayaa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga iyo isku xirka deegaannada gobolka Jubbada Hoose. Haddii dhismaheeda la dhammeystiro, waxay fududeyn kartaa isu socodka bulshada iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah.

Booqashada Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaysa xilli amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka u ah maamulka Jubaland.

Deegaannada Miido, Harboole iyo Biibi waxay ka mid yihiin goobaha ay muhiimka u tahay joogitaanka ciidamada, maadaama sugidda amniga ay saldhig u tahay isku socodka bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Dowladda Jubaland ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay howlaha amniga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo waddooyinka isku xira magaalooyinka ay ka mid yihiin mashaariicda ay muhiimadda siinayso.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News