Xawaadle oo gogol u dhigtay beelaha Hiiraan, dibadbaxna ku dhawaaqday 15-ka November

|

Beesha Xawaadle ayaa gogol wadatashi u dhigtay dhammaan beelaha, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ee gobolka Hiiraan, si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed, amniga iyo jihada mustaqbalka gobolka.

Gogoshan ayaa lagu shaaciyay warmurtiyeed ka soo baxay kulamo wadatashi ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Beledweyne, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kana qaybgaleen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Xawaadle.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amni iyo bulsho ee gobolka Hiiraan, iyadoo si gaar ah looga hadlay matalaadda bulshada iyo doorka ay ku yeelanayso go’aamada siyaasadeed ee mustaqbalka gobolka.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in beesha Xawaadle aysan aqbalayn doorashadii hoggaanka maamulka Hirshabeelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar 24-kii October 2026, iyadoo ku doodaysa in hannaanka doorashada uusan ku dhisnayn sharciyad, wadatashi ku filan iyo rabitaanka bulshada ay arrintu khusayso.

Beeshu waxay ku adkaysatay in go’aannada masiiriga ah ee gobolka Hiiraan lagu gaaro hannaan loo dhan yahay, lagana qaybgeliyo dhammaan beelaha, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada. Waxay sidoo kale sheegtay in aan masiirka gobolka laga go’aamin karin hal dhinac ama koox keliya.

Qodobka kale ee muhiimka ah ee warmurtiyeedka lagu shaaciyay ayaa ah in 15-ka November 2026 la qaban doono dibadbax nabadeed oo ka dhacaya gobolka Hiiraan.

Dibadbaxa ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu muujinayo taageerada mowqifka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo aragtida beesha ee ku aaddan xuquuqda, matalaadda iyo masiirka siyaasadeed ee gobolka.

DHEERAAD:  Guddiga doorashooyinka madaxabanaan oo shaaciyay Liiska golaha wakiilada cusub ee jubbaland

Beesha ayaa ugu baaqday dadka ka qaybgalaya dibadbaxa inay ilaaliyaan nabadda, kala dambaynta iyo hantida guud iyo tan gaarka ah, iyadoo ku boorrisay in cabashada lagu muujiyo hab nabadeed.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee ka jawaabay baaqii Ugaaska, iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo lagu ammaanay kaalinta ay ka qaataan ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka.

Sidoo kale, waxaa lagu ammaanay masuuliyiin heer gobol iyo degmo ah oo xilalkooda ka tanaasulay, si ay ula dareen noqdaan bulshada ay matalaan, sida lagu sheegay bayaanka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Hiiraan ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta doorashadii Hirshabeelle iyo khilaafka ka dhashay matalaadda beelaha iyo habka loo dhisayo maamulka.

Ugu dambayn, beesha Xawaadle ayaa baaq u dirtay ganacsatada, jaaliyadaha reer Hiiraan ee ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa, iyadoo ugu baaqday inay taageero dhaqaale iyo mid bulsho ku biiriyaan dadaallada socda.

Gogosha loo fidiyay beelaha kale ayaa noqon karta fursad lagu ballaariyo wadahadalka, laguna raadiyo xal siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin dhammaan dhinacyada ay khusayso xaaladda gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli muhiim ah in la ogaado sida beelaha kale, siyaasiyiinta iyo maamulka Hirshabeelle uga jawaabaan gogosha, iyo in dibadbaxa loo qorsheeyay 15-ka November uu ku dhammaado si nabad ah.

Xaaladda Hiiraan ayaa hadda wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo wadahadallada socda, mowqifyada dhinacyada kala duwan iyo tallaabooyinka xiga ee hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News