Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Qatar oo Xasan Sheekh ku boorriyay inuu mucaaradka kala heshiiyo doorashooyinka

|

Dalalka Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Qatar ayaa la sheegay inay , Xasan Sheekh Maxamuud, ku boorriyeen inuu wada-hadal dhab ah la yeesho mucaaradka iyo bulshada Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in fariinta dalalkan ay ku wajahan tahay muhiimadda ay leedahay in dowladda Federaalka ay mudnaan siiso heshiis siyaasadeed iyo xaaladda kala-guurka ee amniga, iyadoo laga fogaanayo in khilaafka doorashooyinka uu sii ballaarto.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa kaddib wada-hadallo la sheegay inay maalin ka hor dhexmareen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo xubno sirdoon oo ka socday dalka Masar, kuwaas oo la sheegay inay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Sida xogta la helayo ay tilmaamayso, afartan dal ayaa muddooyinkii hore sidoo kale Xasan Sheekh u gudbiyay fariimo ku saabsan baahida loo qabo wada-hadal dhab ah iyo in dhinacyada siyaasadda ay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni ee dalka.

Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya hannaanka doorashooyinka, arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale xilligan dowladda Federaalka ay wajahaysaa caqabado dhaqaale, iyadoo xaaladda amni iyo khilaafka siyaasadeed ay noqon karaan arrimo saameyn ku yeesha qorshayaasha dowladda iyo wada-shaqeynta dhinacyada gudaha.

Wada-hadalka dowladda iyo mucaaradka ayaa loo arkaa inuu muhiim u yahay dejinta xiisadaha siyaasadeed iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiin karaan, iyadoo ay jiraan baaqyo ku saabsan in la iska ilaaliyo is-mariwaa siyaasadeed oo dalka gelin kara xaalad adag.

DHEERAAD:  Taliyihii Ururka 87-aad ee Guutada 77 Ismaaciil Tuuryare oo nolol iyo geeri lagu la' yahay

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News