Diyaarad milateri oo nooca A400M Atlas ah oo Turkiga leeyahay oo Muqdisho ka degtay

|

Diyaarad milateri oo nooca Airbus A400M Atlas ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Turkiga ayaa ka degtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay duulimaad ka soo billowday dalka Turkiga, taasoo kusoo beegmeysa xilli Ankara ay isbeddel ku sameysay diyaaradaha dagaalka F-16 ee ay Soomaaliya keentay.

Diyaaraddan oo leh diiwaangelinta 18-0093 iyo calaamadda duulimaadka TUAF795 ayaa la sheegay inay ka soo duushay saldhigga Balıkesir ee dalka Turkiga, iyadoo markii dambe soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xogta raadraaca duulimaadyada ayaa xaqiijineysa in diyaaraddan A400M ay 18-kii November 2026 ka soo degtay Muqdisho, halka 19-kii Novem

Diyaaradda Airbus A400M Atlas waa diyaarad xamuul milateri oo ay isticmaalaan ciidamo badan, waxaana loogu talagalay qaadista askarta, hubka, gaadiidka milateriga iyo qalabka kale ee ciidamada.

Diyaaradaha noocan ah ayaa sidoo kale loo adeegsadaa saadka ciidamada, taageerada howlaha dibadda iyo gaarsiinta agabka milateri ee goobaha ay ciidamadu ka howlgalaan.

Imaanshaha diyaaradda A400M ee Muqdisho ayaa soo jiidatay dareenka dadka la socda dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha milateriga, gaar ahaan xilli Turkiga uu dib u habeyn ku sameynayo joogitaanka diyaaradaha dagaalka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa kaddib markii dowladda Turkiga ay dib ugu celisay dalkeeda laba ka mid ah saddexdii diyaaradood ee dagaalka F-16 ee ay Soomaaliya geysay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa 17-kii November 2026 shaacisay howlgal ay diyaaradahooda F-16 uga kala duuleen Muqdisho iyo magaalada Bandırma ee dalka Turkiga, iyadoo sheegtay in duulimaadyadu ay qayb ka ahaayeen wareejin iyo dayactir qorsheysan oo diyaaradaha lagu sameynayo.

DHEERAAD:  DG Puntland oo shaaciyay la maxkamadeyn doono 18 askari oo hakiyay isku socodka Garoowe

Howlgalka ayaa qaatay 55 saacadood, waxaana diyaaradaha ay ku safreen masaafo dhan 11,038 kiiloomitir, iyagoo sameeyay laba duulimaad oo aan lahayn joogsi dhex-dhexaad ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa howlgalka ku tilmaantay mid muujinaya awoodda Ciidanka Cirka Turkiga ee fulinta duulimaadyada milateri ee masaafada dheer.

Si kastaba, wasaaradda Turkiga si faahfaahsan uma sheegin tirada diyaaradaha ku lugta lahaa howlgalka ama waqtiga ay diyaarado kale ku soo laabanayaan Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha milateriga Turkiga ayaa imanaya xilli Ankara ay sii ballaarineyso iskaashiga difaac iyo amni ee ay la leedahay Soomaaliya.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada, qalabeynta iyo dhismaha awoodda milateri, waxaana labada dal ay leeyihiin heshiisyo iskaashi oo dhinacyada difaaca iyo amniga badda ah.

Sidoo kale, diyaaradaha F-16 ee Turkiga keenay Soomaaliya ayaa qeyb ka ah ballaarinta taageerada milateri ee Ankara siiso dowladda Federaalka, gaar ahaan dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Imaanshaha diyaaradda A400M iyo dib u celinta diyaaradaha F-16 waxay muujinayaan in dhaqdhaqaaqyada milateri ee Turkiga iyo Soomaaliya ay weli socdaan, inkastoo aan la hayn faahfaahin rasmi ah oo caddeyneysa ujeeddada gaarka ah ee safarka diyaaradda A400M ee Muqdisho.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay yeeshay xiriir milateri oo sii xoogeysanaya, iyadoo Turkigu uu Muqdisho ku leeyahay saldhigga tababarka ciidamada ee TURKSOM, kaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed.

Heshiiska difaaca ee labada dal ay kala saxiixdeen 2024 ayaa sidoo kale muhiim u noqday iskaashiga dhinacyada amniga badda, difaaca iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya.

Joogitaanka diyaaradaha F-16 ee Soomaaliya ayaa ahaa tallaabo cusub oo muujisay heerka uu gaaray iskaashiga milateri ee labada dowladood, iyadoo diyaaradahaasi ay yimaadeen Muqdisho bishii Janaayo 2026.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News