F-16-ka Turkiga oo kormeer ka sameeyay Koonfur Galbeed, dadka Baydhabo oo cabsi ka muujiyay guuxa diyaaradaha

|

 Dhaqdhaqaaqyada milatari ee diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa si weyn looga dareemayaa qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, kaddib markii la sheegay in laba diyaaradood oo nooca F-16 ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga ay hawlgallo kormeer ah ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay hawada dulmareen deegaanno muhiim ah, xilli Turkigu uu sii ballaarinayo joogitaankiisa milatari iyo taageerada uu siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan xaalado amni iyo kuwo siyaasadeed oo is barbar socda, gaar ahaan gobolka Bay oo ay ka taagan yihiin xiisado la xiriira maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka.

Diyaarad A400M Atlas ah oo Muqdisho soo gaartay

A400M filosu tamamland�: Bunu ba�aran ilk �lke T�rkiye oldu

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad milatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah, taas oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga.

Xogta raadraaca duulimaadyada ayaa muujisay in diyaaradda oo leh diiwaangelinta 18-0093 iyo calaamadda duulimaadka TUAF795 ay Muqdisho soo gaartay 19-kii Nofeembar, iyadoo safarkeedu la xiriiray dhaqdhaqaaqyo milatari oo ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya.

Diyaaradda A400M Atlas ayaa ah diyaarad xamuul milatari oo awood u leh qaadista askarta, qalabka dagaalka, gaadiidka iyo agabka kale ee ciidamada. Waxaa sidoo kale loo adeegsadaa taageerada saadka iyo gaarsiinta qalabka milatari ee goobaha ay ciidamadu ka howlgalaan.

Imaanshaheeda Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli Turkiga uu dib u habeyn ku sameynayo dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha F-16 ee Soomaaliya ku sugan.

DHEERAAD:  Puntland oo DF ku eedeysay colaad beeleedyada gobolka Mudug

Warbixinnada la helay ayaa sheegaya in diyaaradda A400M ay safarro xiriir ah ku tagtay Muqdisho, halka xogta duulimaadyadu aysan weli caddeyn ujeeddada gaarka ah ee safarkeeda ama qalabka ay siday.

Baydhabo oo laga dareemayo guuxa diyaaradaha, shacabka oo walaac muujiyay

Abdishukri Haybe (@Abdishukrihaybe) on X

Baidoa City Guide | Things to Do & Travel Tips | TravelPal

Turkey Wants Its Air Force To Fly Four Types Of Advanced Fighter Jets
Turkish Air Force demonstrates joint operational capabilities in EFES 2026 exercise | Daily Sabah

Somalia: South West State Repels Surprise Al-Shabaab Attack Near Baidoa

Somali airstrikes kill 12 al-Shabab militants near Baidoa, ministry says

Somalia Boosts Security Coordination in Baidoa

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News