Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka oo la sheegay inuu Al-Shabaab ugu goostay gobolka Hiiraan

|

Warar laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka goostay ciidanka, isaga iyo laba askari oo kale, kuwaas oo la sheegay inay ku biireen kooxda Al-Shabaab. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Sarkaalka ayaa wararka lagu sheegay Cabdi Cumar Macow, oo sidoo kale loo yaqaan Cabdi Cariifow, inkastoo xogaha qaar ay magaciisa ku sheegeen Cumar Cabdi Macow. Waxaa la sheegay in markii uu ciidanka ka baxay uu watay gaari nooca Cabdi Bile ah oo uu saarnaa qori Dhashiike, isaga iyo laba askari oo kale oo la socday.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in raggaasi ay u dhaqaaqeen deegaanka Beera-yabaal oo hoos yimaada degmada Buulo Burte, halkaas oo la tuhunsan yahay inay kaga biireen Al-Shabaab.

Sarkaalka la sheegay inuu ciidanka ka goostay ayaa la tilmaamay inuu ka tirsanaa saraakiisha ka howlgasha degmada Buulo Burte, waxaana lagu sheegay inuu ahaa abaanduule ka tirsan Guutada 26-aad, Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrinta ugu weyn ee hadal-haynta dhalisay ayaa ah sababta la tuhunsan yahay inay ka dambeysay go’aanka sarkaalka. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu tabasho ka qabay dalacsiin dhowaan loo sameeyay saraakiil ka soo jeeda gobolka Hiiraan, isaga oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha aan lagu darin liiska dadka la dallacsiiyay.

Inkasta oo aan weli la xaqiijin in arrinta dalacsiintu ay sabab u ahayd goosashadiisa, haddana warkani wuxuu dib u soo nooleynayaa doodaha ku saabsan sida loo maareeyo dallacsiinta, xilalka iyo cabashooyinka saraakiisha ka dhex jira ciidamada dowladda.

DHEERAAD:  Rabshadihii ugu xumaa Muddo sanado ah oo ka socda dalka Paris

Ciidamada qaranka ayaa ku tiirsan nidaam maamul oo hufan, kala dambeyn iyo kalsooni ka dhex jirta saraakiisha iyo askarta. Tabashooyinka aan si habboon loo xallin waxay saameyn ku yeelan karaan niyadda ciidamada, gaar ahaan kuwa ka howlgala goobaha ay dagaalladu iyo halisaha amni ka jiraan.

Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda ay bilaabeen raadinta sarkaalkan iyo askartii la socotay, kaddib markii la ogaaday inay ka baxeen fariisimihii ay ku sugnaayeen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Hiiraan uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran, iyadoo ciidamada dowladda, dadka deegaanka iyo Macawiisleydu ay door muhiim ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Buulo Burte iyo deegaannada ku dhow ayaa ka mid ah goobaha ay muhiimka u tahay joogitaanka ciidamada dowladda, maadaama gobolka Hiiraan uu muddooyinkii dambe ahaa meel ay ka socdeen howlgallo milatari iyo dhaqdhaqaaqyo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, gobolka waxaa ka jiray tabashooyin siyaasadeed iyo kuwo la xiriira maamulka amniga, kuwaas oo mararka qaar saameyn ku yeeshay wada shaqeynta ciidamada iyo maleeshiyaadka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News