Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah meelmariyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2027, taas oo maalmo ka hor loo soo gudbiyay kaddib markii ay dhawaan soo ansixiyeen Golaha Xukuumadda.
Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland ayaa shaaciyay in miisaaniyaddu ay ku ansaxday cod aqlabiyad leh. Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 43 mudane, waxaa ansixinta miisaaniyadda oggolaaday 38 xildhibaan, hal mudane ayaa diiday, halka ay ka aamuseen afar mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid.
Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka 2027, oo dhan $308,213,973 (Saddex boqol iyo sideed milyan, labo boqol iyo saddex iyo toban kun, sagaal boqol iyo toddobaatan iyo saddex doollar), ayaa dhaqangelaysa 1-da Jannaayo 2027, waxayna ku egtahay 31-da Diseembar 2027.
Miisaaniyaddan ayaa hoos u dhacday $7,569,371 oo u dhiganta 2.4%, marka la barbardhigo miisaaniyaddii hore ee sanadka 2026 oo dhamayd $315,783,344.
Miisaaniyadda dowladda Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay hoos u dhacaysay, taas oo loo aanaynayo deeqihii caalamka oo qaarkood istaageen iyo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka oo saameeyay mashaariicda horumarineed.
Maamulka Puntland ayaa khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Federaalka awgeed sheegay inaysan helin kabka miisaaniyadda, oo ah lacago deeq ah oo Dowladda Federaalku ay ka heli jirtay Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub.
Dhanka kale, Puntland ayaa dagaal ka dhan ah kooxda Daacish gashay dhammaadkii sanadkii 2024. Hawlgalkaas oo illaa haatan socda ayaa sababay in xukuumadda Puntland ay dakhli badan u weeciso dhanka hawlgallada ciidamada, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare baaxad leh.

