Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda oo kormeeray qorshaha bixitaanka ciidamada UPDF ee Soomaaliya

|

Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda, Gaashaanle Sare Kayanja Muhanga, ayaa booqasho ku tegay ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), si uu u qiimeeyo halka uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada, xaaladda hawlgallada iyo heeganka dagaal ee cutubyada Uganda.

Muhanga ayaa booqashadiisa ka bilaabay xarunta taliska Qaybta Koowaad ee AUSSOM, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Uganda, isaga oo ku ammaanay shaqada ay ka qabteen taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Afrikaanka, wadajirka iyo isku-duubnida ciidamada ka qayb qaadanaya dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata.

Intii uu ku sugnaa saldhigga ciidamada ee Buulo Mareer, ayuu si gaar ah u kormeeray halka uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada Uganda ee aagga Baraawe.

“Waxaan si gaar ah u imid inaan arko halka uu marayo qorshaha ka bixitaankiinna Baraawe, sidoo kalena aan qiimeeyo heeganka iyo awoodda dagaal ee ciidamada,” ayuu yiri Muhanga.

Dhankiisa, Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa ammaanay guutooyinka 44-aad iyo 45-aad, kuwaas oo uu sheegay inay si nidaamsan oo xirfad leh uga baxeen aagga Baraawe, isla markaana mas’uuliyadda amniga ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Wuxuu ciidamada ku boorriyay inay sii ilaaliyaan feejignaanta, anshaxa iyo diyaar-garowga hawlgal, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada Soomaaliyeed iyo xiriirka bulshada deegaanka.

DHEERAAD:  Kooxo hubeysan ooaan heybtooda la garan oo toogasho ku dhaawacay Aabe iyo wiil uu dhalay.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada Uganda ay sii wadaan qorshaha dhimista iyo ka bixitaanka cutubyadooda qaar ka mid ah saldhigyadii ay ka howlgali jireen Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

AUSSOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dhinaca kale wada hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda, laguna adkeeyo amniga deegaannada laga saaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News