Maleeshiyo 4 ruux ku dishay makhaayad ku taalla Seylac

|

Afar ruux oo shacab ah ayaa lagu toogtay, saddex kalana waa dhaawacmeen ka dib markii niman hubeysan ay xalay [Arbacadii] fiidkii rasaas ku fureen dad ku sugnaa makhaayad laga cunteeyo oo ku taalla magaalada Seylac, gobolka Selel ee Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Selel, Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhega Yare), ayaa sheegay in weerarku dhacay abaare 8:00 fiidnimo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad badan ay makhaayadda fadhiyeen.

“Ciidamada boolisku waxay markiiba qaadeen tallaabo degdeg ah, waxaana haatan falkan u xiran shan ruux,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Axmed Dhega Yare, oo sheegay in dad kale oo la tuhunsan yahay lagu daba jiro.

Weerarka ayaa loo aanaynayaa inuu salka ku hayo aano dhanka qabiilka ah, iyada oo dadka la beegsaday ay yihiin dad hal deegaan ka soo jeeda.

Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa ah haween, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Selel.

Mas’uuliyiinta degmada Seylac iyo booliska oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa iyaguna sheegay in ciidamada amniga, oo kaashanaya militariga iyo kuwa xeebaha, ay wadaan baaritaan ku aaddan sidii loo soo qaban lahaa maleeshiyada weerarka geysatay xalay.
Xildhibaanka laga soo doorto Boorama, Maxamed Abiib Yuusuf, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, isaga oo ku tilmaamay mid gaadmo ah.

“Waxaan sida ugu adag u cambaaraynayaa weerarka gaadmada ah ee dableyda hubeysani xilliga habeenimada ah dadka shacabka ah ku laayeen magaalada Seylac,” ayuu yiri Xildhibaan Abiib, oo war-saxaafadeed kooban ku faafiyay boggiisa Facebook.

DHEERAAD:  Somaliland oo hawlgal amni ku dhawaaqday ka dib weerar dhimasho keenay oo ka dhacay Seylac

“Waa nasiib-darro weyn in xukuumadda iyo ciidanka qaranku ku filnaan waayeen sugidda amniga deegaanka iyo nafaha shacabka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xildhibaan cambaareeyay iyo Xukuumadda Somaliland oo hadashay 

Xildhibaan Abiib ayaa sidoo kale ku dhaliilay xukuumadda Somaliland inay wax ka qaban la’dahay joojinta colaadda ka taagan Awdal iyo Selel.

“Weerarrada noocan ah ee soo noqnoqday waxay su’aal gelinayaan daacadnimada xukuumadda ee sugidda amniga gobolka Awdal iyo Selel. Sidoo kale, dhacdooyinka noocan ahi bar madow ayay ku yihiin ciidanka qaranka, waxay fashilinayaan kartidooda iyo karaankooda, waxa kale oo ay dilayaan kalsoonida ay bulshadu ku qabto,” ayuu ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Maanta oo Khamiis ahna, waxaa Hargeysa ku kulmay guddiga amniga qaranka ee Somaliland, kaas oo ka hadlay arrinta ka dhacday Seylac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qaybgalay shirka amniga, ayaa ku dhawaaqay hawlgal amni oo 24 saac gudahood ay ciidamada Somaliland uga samayn doonaan deegaannada Selel iyo Awdal si looga hortago amni-darro kale. Wasiirka oo ka hadlayay Hargeysa ayaa sidoo kale dadweynaha ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

“Xukuumaddu waxay go’aansatay in degdeg loo soo celiyo nabadda labada gobol. Hawlgallo, ciidamo badan ayaanu gaynay,” ayuu yiri Wasiir Cabdalla Maxamed Carab.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in ciidanka Somaliland ee hawlgalka fulinaya aanu aqbali karin dad hubaysan oo deegaankaasi ku sugan.
Colaaddan ka taagan Awdal iyo Selel ayaa salka ku haysa xiisad qabyaaladeysan oo ka dhexeysa qabiillada Ciise iyo Gadabuursi (Samaroon), taas oo ka dhalatay kacdoon lagaga hor yimid buug looga hadlayay Xeerka beesha Ciise oo la doonayay in Seylac lagu soo bandhigo dabayaaqadii sannadkii hore ee 2025.

DHEERAAD:  Xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaartay heerkii ugu sareysay,

Xeer Ciise waa nidaam dhaqameed iyo garsoor oo ay adeegsadaan beelaha Ciise ee Geeska Afrika, waxaana UNESCO ugu diiwaangelisay liiska hidaha dhaqanka ee aan la taaban karin inuu yahay xeer dhaqameed bulsho oo lagu xalliyo khilaafaadka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ergooyin nabadeed iyo mas’uuliyiin sare u dirtay labada gobol si ay xiisadda colaadeed u soo afjaraan, iyadoo laga soo saaray go’aanno lagu soo afjarayo colaadda.

Hase yeeshee, waxaa muuqata in weli go’aannadaasi aanay dhaqan-gelin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News