Dowladda Waqooyi Bari oo amar ku bixisay baaritaanka gaadiidka ka baxaya gobolka Sool

|

Maamulka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa amar ku bixiyey in la baaro dhammaan gaadiidka ka baxaya magaalooyinka gobolka Sool, gaar ahaan kuwa ku sii jeeda gobolka Sanaag, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu adkeynayo amniga laguna ka hortagayo falalka sharci-darrada ah.

Amarkan oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu faray laamaha amniga, ciidamada iyo baraha kantaroollada inay baaritaanno ku sameeyaan gaadiidka ka baxaya gobolka, si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada shacabka iyo hantidooda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaritaannada lagu sameynayo gaadiidka ay waajib ku tahay laamaha amniga, iyadoo loogu talagalay in lagu ogaado waxyaabaha khatarta ku ah amniga iyo in laga hortago falal sharci-darro ah oo ka dhici kara deegaannada maamulka.

Amarka ayaa si gaar ah u taabanaya gaadiidka u kala socda gobolka Sool iyo gobolka Sanaag, waxaana la faray ciidamada ku sugan baraha kantaroollada inay si waafaqsan sharciga u fuliyaan baaritaannada.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale darawallada iyo rakaabka ku boorriyey inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna u hoggaansamaan baaritaannada lagu sameynayo gaadiidka, si loo fududeeyo howlaha amniga.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu dadaallo ku bixinayo xoojinta amniga deegaannada uu maamulo, iyadoo gobolka Sool iyo deegaannada ku dhow ay muhiim u yihiin isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Si kastaba, maamulka weli ma caddeyn muddada uu amarkan socon doono, iyo haddii uu yahay qorshe amni oo muddo kooban ah ama qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo kontaroolada iyo ilaalinta waddooyinka gobolka.

DHEERAAD:  Go’aanno xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Maxkamad loo…

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News