SO | EN

SO | EN

Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Mareykanka

|

Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa ah kuwa dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.

Ilhaan, oo laga soo doortay gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay.

Ilhaan Cumar ayaa 2-dii Febraayo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii ay sidaas u codeeyeen xubnaha Jamhuuriga oo hadda ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

“Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan maqaamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,” ayey tiri.

“Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.”

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News