SO | EN

SO | EN

Cali Jeyte oo markale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab

|

Beledweyne (Kaab TV) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dib ugu laabtay magaalada ee gobolka Hiiraan ayaa markale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab isagoona fariin udiray Bulshada reer Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale sheegay in marar qaar ey falal ammni daro ka dhacaan gudaha magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Al-Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ugu soo gudbisaan xogta nabad-diidka,” ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu yiri “Gacan waxaan kula dagaalami doonaa SAl-habaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaban doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu markake yiri Cali Jeyte.

Dhanka kale wuxuu sheegay in baryihii u dambeeyay uu kusugnaa magaalada Muqdisho isagoo raadinyay qorshayaal kala duwan oo ammniga magaalada iyo kan dadka kunool lagu sugi lahaa.

“Gudaha magaalada waxaa idin kula jira Al-Shabaab, furintana waxaa ka dagaalamaya shacab qoryo wata, waa in lagu wada dhiirado dagaalka oo Al-Shabaab laga adkaado,” ayuu yiri.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in Al-Shabaab aan ka adkaan karno, waxaan idinka rabaa in gabar iyo wiil aysan u kala harin markaan, natiijo muuqata ayaan ka gaarnay halgankii aan horay u soo galnay bilo ka hor,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News