Beledweyne (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebelle oo ka dhacay magaalada Jowhar.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee degaanada Hirshabelle iyo degaanadii dhowaan laga alshabaab, Isagoo tilmaamay iney heleen xog sheegeysa in Al-shabaab ay duulaan ku soo yihiin garoomada dayuuradaha Hirshabelle, isagoo xusay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabelle.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garsoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.
Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.