SO | EN

Maxaa diiday in lala xisaaabtamo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Mukhtaar Roobow

|

Muqdisho (Kaab TV) – Xaajiga soomaaliga ah wuxuu bixiyey $4484.5. Wasaaradda awqaafta wexey sheegtay 11650 xaaji in ay qaadday. Lacagta ay xujeydu bixiyeen wadarteedu waa $ 52,244,425. Konton iyo laba milyan laba boqol afartan iyo afar kun afar boqol iyo labatan iyo shan doollar. Ilaahay baa na leh, makka iyo xajna waa naqaan, Xujeyda soomaaliyeed lacagtaas laga qaaday iyo guryaha la dejiyey farqi ween baa udhexeeyo ama teendhooyinka iyo gaadiidka cariiriga ah, isuma dhigmaan.

Teendhooyinka, gogosha, basaska mina iyo carafa sicir iyo darajooyin bey leeyihiin inta lacagtaadu goyso tusaale Guriga makka oo ugu muhimsan xogta aan hayno 2700 riyaal oo u dhiganta: $720 per xaaji ayuu ahaa, waa total $8,388,000. Miyaaney xaq u lahayn, lacagtooduna u goyn, sida xujeyda kale hoteel 3 ama 4 star, oo aan xaramka ka fogayn 500 mitir ilaa 2 km, oo weliba cunto saddex waqti ku jirto Wasaaraddu ilaa hadda xisaab masoo bandhigin, mana oran lacagtiinnu idiin ma goyso! warkeedu waakaa xajkii idin geyney maxaad rabtaan wixii aan idin siino qaata, Aamusa! Maya Adeer, la idin kama yeelin, ee xisaabtama!.

W/Q Sheikh Mohamed Idris

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News