Beledweyen (KAAB) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiran Cali Jeyte Cismaan haatana ah madaxweynaha Maamulka lamagac baxay Hiiraan, ayaa mar kale ka hadlay sababaha keenay iney is qabtaan isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Hirshabelle ay isku qabteen arrimo dhowr ah oo ay kow katahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu tilmaamay in Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn.
“Maamulka Hirshabelle oo uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, marna raali kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn u ah hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu yiri Madaxweynaha Hiiraan State Cali Jeyte.
Sidoo kale, waxaa uu maamulka Hirshabeelle ku tilmaamay Company, isla markaana uu isaga baxay, haatana uu yahay Madaxweyne ku yimid rabitaanka dadweynaha reer Hiiraan sida uu hadalka udhigay.
Dhanka kale, Cali Jeyte ayaa sheegay in ragga madaxda ka ah Hirshabeelle aysan aheyn kuwa u qalma hogaan umadeed, ayna yihiin caada qaatayaal aan damiir laheyn.
“Labada nin ee Hirshabeelle ugu sareysa iyagoo Miyiga ku nool ayaan dowladnimada qeyb ka ahaa oo aan lasoo shaqeeyay, Guudlaawe iyo Dabageed ma ahan laba nin oo leh aqoon hogaamineed ” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Cali Jeyte.
Hasayeeshee, waxaa wali ka taagan khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte, taasoo keentay in Baledweyne uu kaga dhawaaqo maamul la baxay Hiiraan state oo uu madaxweyne ka yahay, kaasoo aysan jirin cid aqoonsatay.