SO | EN

SO | EN

Ciidanka Danab oo howlgalo qorsheysan kasameeyay degmada Galcad

|

Galcad (KAAB) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaadooska Danab ayaa howlgalo kafuliyay deegaano hoostaga Galcad ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa si gaar ah howlgalkan kasameeyay deegaannada Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka howdka ah ee udhexeeyo Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33-KM kaga aadan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, ciidanka Danab ayaa lasheegay inta uu howlgalka socday in ey ku bur buriyeen fariisimo ey Al-Shabaab kula haayeen deegannadaas.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka intii ey howlgalka wadeen ey dhulka kasoo saareen miinooyin ey Al-Shabaab dhulka ku aasen.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan qorsheysan aaya warbaahinta lahadlay howlgalka kadib, waxa eyna sheegeen in ey heleen xog sheegeysa in xubno katirsan kooxda Al-Shabaab ey diyaarinaayeen qorshe weeraro ah, sidoo kale saraakiisha waxa ay intaasi kudareen in ey bur buriyeen fariisimo ey lahaayeen kooxda Al-Shabaab deegaannada dhaca bariga Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News