MUQDISHO (KAAB TV) – Koox hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey shalay oo Axad ahayd.
Wasiirka ayaa la sheegay in la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaad kusoo tukaday, waxaana dilka wasiirka fuliyay dhallinyaro bastoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo dilka kaddib goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geysaty wasiirkan horey uga tirsanaa Hirshabelle, waxa uuna tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday wasiirka la dilay.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bulshada Hirshabeelle ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Muudeey. Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi karti badan oo muddo u soo adeegayay Hirshabeelle waxa uuna door ku lahaa Aas-aaska dowlad dhiskii Hirshabeelle” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxweyne Guudlaawe.
Dilka wasiirkan horey uga tirsanaa maamulka Hirshabelle loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay soo bateen weerarada qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya caasimadda.