LAASCAANOOD (KAAB TV) – Golaha Garaadada Dhulbahante oo ka kooban 33 xubnood ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen guddi cusub oo ka kooban 45 xubnood kuwaasi oo ka shaqeyn doona dhismaha maamulka SSC-Kaatumo State.
Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood Arbacadii shalay ayaa odayaashu ku dhawaaqeen guddiga 45 xubnood, kuwaasoo isla shalay la dhaariyay.
Sida uu sheegay Cabdiqaadir Abshir Diiriye oo ka mid ah guddiga la dhaariyay, xubnaha guddiga ayaa u shaqeynaya qaab guddi maamul iyo siyaasad, halka odayaasha 33 ahaa ay sii ahaan geed fadhiga talada guud.
“Marka hore waxaanu ka shaqeynaynaa sidii aan isaga dul qaadi lahayn Muuse Biixin iyo rijiimkiisa. Ka dibna waxaanu qaban doonnaa shirweyne ay dadka deegaanku uga tashanayaan aayahooda,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Qorshaha ayaa siday odayaashu sheegayaan ah in deegaanada Sool iyo Sanaag ay ugu danbeynta yeeshaan maamul goboleed u gooni ah oo qeyb ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya.
Guddiga maamulka ee la magacaabay ayaa ku shaqeyn doona magaalada Laascaanood oo weli dagaalo ay ku dhexmarayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhadda SSC-Khaatumo.
Dagaaladan oo bilawday bishii Febraayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan, iyadoo dad gaaraya 200,000 ay ka barakeceen magaalada.