SO | EN

SO | EN

Qaraxyo Miino ah oo ay kudhinteen Raggii Aasaayay

|

Lambarkonton (KAAB) – Inta u dhaxeysa degaanada Nambar 50 iyo Laanta-buuro ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu arkay saaka meydadka labo nin oo la sheegay iney ku qaraxday xalay miino ay halkaas ku aasayeen sida ey xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Afhayeenka ciidanka ATMIS ayaa sheegay in labada ruux ee dhintay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayna dhinteen xilli ay doonaayeen inay miino ku aasaan wadada isku xirta degaanada u dhaxeeya lambar 50 iyo laanta Buuro.

Sidoo kale, wararku waxay  intaa ku darayaan in haraaga meydadkii labadaasi ruux uu gaaray masaafo dhan 50 mitir oo ballac ah.

Dhinaca kale, Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa deegaanka ayaa dilay dagaalame ka tirsan Alshabaab, kaasoo walxaha qarxa ku aasayay wadada xiriirisa Janaay-Cabdalla iyo Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dagaalame kale, kadib howlgal dhacay shalay gelinkii dambe.

Holwgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen inuu qeyb ka yahay howlgallo xiriir ah oo lagu ciribtiriyo Al-Shabaabka ee ku sugan Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News