SO | EN

SO | EN

Puntland: Isbaaro Xamar taalla ayaa loo dhigtay mashariicda horumarinta Soomaaliya

|

GAROOWE (KAAB TV) – Puntland ayaa ku dhawaaqday tallaabo kale oo caqabad ku noqon karta maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo waayadan danbe la daala-dhacaya musuqmaasuq baahsan iyo maamul xumo halakeysay heykalka dowladnimada Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa Talaadadii shaaca ka qaaday dhismaha Golaha Horumarinta Puntland kaasoo ah gole cusub oo ay Puntland ku sheegtay inuu u hawlgeli doono sidii wax looga qaban lahaa sare u qaadista dhaqaalaheeda gudaha iyo dibadda.

Go’aanka loogu dhawaaqay golahan ayaa yimid ka dib shir uu guddoomiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacay magaalada Garowe, ayna ka qeybgaleen inta badan Wasiirada ku shaqo leh Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha, Mashaariicda iyo Arrimaha Bulshada ee maamulka Puntland.

War saxaafadeed kooban oo ay faafisay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay “Kulanka waxaa looga dhawaaqay in la dhiso Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland (Puntland Economic Development Council), talaabadaasi oo mid wax weyn kusoo kordhinaysa adeega dowladnimo ee loo hayo Bulshada.”

ISBAARADA XAMAR TAALLA

Ka dib kuklanka, waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo sheegay in deeqihii horumarinta Soomaaliya loo dhigtay isbaaro Xamar taalla taasoo uu sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhigatay.
“Waxaa xusid mudan inay jiraan caqabado waaweyn oo qeyb ka ah hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo runtii mas’uuliyadda dastuuriga ee loo igmaday ay tahay inay u adeegto dalkaan horumarintiisa iyo amnigiisa in haddana ay caqabado badan ka yimaadeen,” ayuu wasiir Dhabancad.
“Dowladda Federaalka waxay sameysay isbaaro siyaasadeed oo loo adeegsanayo hub siyaasadeed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Puntland ayaa daaha ka qaaday in shan qodon ay aas-aasi u yihiin shaqada golahan cusub ee dhaqaalaha kuwaasoo isugu jira dhanka hanti-dhowrka, qandaraasyada, hubinta kaalinta bangiga Puntland uu ku leeyahay lacagaha dalka imaanaya, maadaama mashaariicda lacagahooda ay soo maraan Muqdisho ay ku dhammaadaan gacanta dad aan la aqoonin.

MUSUQA DEEQAHA CAALAMIGA

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland oo heysa 95% hawlaha dowladnimada ee adeeg bixinta iyo amniga dalka inaan loo fududeyn hawleheeda.
Puntland waxay sheegtay inay si gaar ah u eegi doonto in bangigeega, xafiiskeeda hanti-dhowrka iyo nidaamka qandaraas bixinta loo maro hab daahfuran.
Wasiir Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in musuqmaasuq baahsan uu hareeyay mashaariicda deeqaha horumarinta ee la siiyo Soomaaliya, kuwaasoo Bangiga Adduunka uu bixiyo hase yeeshee aanan la ogeyn cid la siiyo.
“Mashaariicda lacagahooda ay soo maraan Xamar waxaa la siinayaa dad aan la aqoon. Kaliya waxaad maqleysaa mashaariic baa Soomaaliya laga fulinaya, laakiin aanan la soo taaban karin,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Dhankiisa Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa sheegay in Golaha Horumarinta Dhaqaalaha uu ka shaqeyn doono sidii loo maareyn lahaa deeqaha caalamiga ah ee ka fula Puntland iyo isku xirkooda.
Puntland waxay horey uga baxday hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ay ku sheegtay inuu hareeyay musuqmaasuq iyo wada tashi la’aan, waxaana go’aankan cusub ee hadda Puntland ay ku dhawaaqday uu caqabad weyn ku noqon karaa kaalmada Dowladda Federaalka ka hesho caalamka oo lagu soo qaado magaca Soomaaliya oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News