Qoryooley (KAAB) – Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in qarax nuuca miinada ah uu haleelay gaari caasi ah ay la socdeen dad shacab ah, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddo xariirisa degmooyinka Qoryooley iyo Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna qaraxa haleelay dad shacab oo xilligaasi gaariga la socday.
Sidoo kale, inta la xaqiijiyay qaraxan miinada ah waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 12-qof oo kale ,kuwaa oo lageeyay cararay xarumo caafimaad oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab qaraxan shacabka lagu laayay, waxa uuna xusay in Al Shabaab kusoo hareen markan dhibaateynta shacabka.
Qaraxyo miino oo marar badan ka dhacay waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan, waxaana jidad badan dadka shacabka ku adkaatay maristooda iyaga oo ka cabsi qaba qaraxyo miino.