SO | EN

SO | EN

Yuusuf Madaale oo shir guddoomiyay kulan xasaasi ahaa

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shir guddoomiyay kulan loogu hadlaayay Dar-dargelinta Shaqooyinka Xafiiska Unuga Xalka Waara DSU.

Agaasimaha Xafiiska Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir DSU Zainad Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dar-dargelin doonaan shaqooyinka xafiiska iyo ka dhabeynta Qorshaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ah sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Agaasime Zainab Axmed ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii barakacayaasha u heli lahaayeen Waxbarashada Farsamada Gacanta, Caafimaad, Shaqo Abuur, dib-u-dejin iyo in ay amni ku helaan goobaha ay dagan yihiin.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay sidii loo heli lahaa isku filnaashiyo ay gaaraan dadka Barakacayaasha,ayna noqdaan muwaadiniin ku nool dalkooda, taasina lagu gaari karo in laga taageero, Waxbarashada, loo sameeyo Shaqo Abuur, iyo inta jecel in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda la taageero.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News